Weftigii Wasaarada Kalluumaysiga oo Gaadhay Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag
Hargaysa 21.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badaha Somaliland Mudane Cali Jaamac Faarax (Buurreed) oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase) ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay degmadda Laasqoray ee gobolka Sanaag,
Wasiirka iyo weftigiisa oo socdaal xog ogaal noqoshada xaalada guud ee xeebaha ku maraya xeebaha goboladda Saaxil iyo Sanaag ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay degmadda Laas-qoray maamulka, waxgaradka iyo boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degmadaasi.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badaha Somaliland Mudane Cali Jaamac Faarax (Buurreed) oo meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha ayaa uga mahad celiyay sida waddaniyada leh ee shacbiga degmadaasi ku qaabileen weftigiisa, waxaanu uga waramay qorsheyaasha horumarineed ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu ka tirsan yahay ugu tallo gashay inay ka fuliso degmooyinka barriga Sanaag.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray inay xukuumadda Somaliland ka go’an tahay inay wax ka qabato adeegyadda daruuriga ah ee bulshadu u baahan tahay iyo taabo-gelinta kaabeyaasha dhaqaalahaba.
Sidoo kale, waxa Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Kalluumaysigu ay kulan la yeesheen kalluumaysatada wadaniga ah, waxaanay uga sheekeeyeen siyaasadda xukuumadda oo ay xuseen inay dhiiri gelinayso sidii loo tayayn lahaa, loona xoojin lahaa xirfadleyaasha kalluumaysatada waddaniga ah. iyagoo kalluumaysatadamaxaliga ah ee magaaladaasi gudoonsiiyay agab kalluumaysi oo ay ugu tallo-galeen inay ay ku shaqaystaan kalluumaysatada reer Laasqoray.
Geesta kalena, waxay weftigu booqdeen dekadda Magaaladda Laasqoray oo ay sheegeen in dawladda Somaliland qorshaheeda dhow ku jirto sidii dib loogu furi lahaa marsaddii Laas-qoray, iyagoo dadweynaha iyo waxgaradkii ay la kulmeen ku booriyey inay xukuumadda kala shaqeeyaan dhinaca sugida ammaanka iyo horumarinta. Halka sidoo kale ay weftigu booqdeen warshada Kalluunka ee ku taalla magaaladaasi oo xiligan fadhida.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com