Xidhiidhkii Ka Dhaxeeyey Beesha Caalamka Iyo Somaliland Oo U Muuqda Mid Xumaaday Iyo Madaxwayne Siilaanyo Iyo Waftii Uu Hogaaminayay Oo Dib Ugu Soo Guryo Noqonaya Dalka Somaliland
London 16.October 2016 (SDN/QJ):- War saxaafadeed laga soo saaray xafiiska Wakiilka Somaliland ee UK Md Cali Adan Cawaale ayaa lagu caddeeyey in uu soo gebageboobay safarkii Madaxweynaha JSL iyo wegtigiisa ee Dalka Ingiriiska halka sidoo kalena lagu sharaxay kulamadii kala duwanaa ee weftigu ku yeeshay dalkaasi.
War saxaafadeedkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com ayaa u dhignaa sidan:
Waxa ALLA mahaddii ah inu si wanaagsan u soo gaba-gaboobay safarka wefdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silayo ee ay kamidka ahaayeen Marwad kowaad, Murashaxa xisbul xaakimka KULMIYE mudane Muse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan golaha wasiirradu ay ku joogeen dalkan UK. Wefdigu maanta oo Axad ah ayey haddii ALLA Aqbalo u kicitimi doonaan dalkii hooyo.
Madaxeynaha iyo wefdigiisu intii ay joogeen UK waxay la kulmeen mudaneyaal badan oo ka tirsan Baaralaanka UK iyo Ganacsato waaweyn oo kala duwan, kuwaas oo danayaya inay maal gashi ku sameeyaan dalkeena Somaliland kadib markii ay yaqiinsadeen fursadaha maal gashi ee ka jira dalkeenna dihin. Waxa shirkado door ahi muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin maal gashi ballaadhan oo ay dalka ku sameeyaan kadib markii masuuliinta Somaliland u bandhigeen jawiga maal-gashi ee ka jira Somaliland iyo shuruucda maal-gashi ee dalka oo si weyn u soo jiidatay dhammaan shirkadihii wafdigu la kulmay.
Wafdigu waxay mudaneyaasha baarlaanka UK u sharxeen geeddi socodka doorashooyinka Somaliland iyo sababaha kallifay kala qaadista labada doorasho ee madaxtooyada iyo baarlanka, taas oo ay mudneyaasha baarlamanka UK si wacan u garawsadeen. Mudaneyaasha UK waxay ballan-qaadeen inay gacan buuxda siin doonaan dedaalka horumarineed iyo ka dimuqraaddiyadeed ee ay dawladda Somaliland dalka ka waddo.
Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxa kale oo ay kulammo door ah la yeesheen Jaalliyadda Somaliland ee deggen UK. Iyaga oo booqday kulammana ku qabtay badi magaalooyinka waaweyn ee UK.
Safarka wafdiga ayaa ahaa mid guul ku soo dhammaaday.
Geesta Kale Wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa muddo laba todobaad iyo dheeraad ah ku sugan dalka ingiriiska,iyaga oo aan wax kulan ah la qaadan intii ay joogeen masuuliyiinta dawlada ingiriiska oo wakiil ka ah beesha caalamka ee Somaliland ka taageera dhanka dimuqraadiyadaynta iyo nidaamka doorashooyinka Somaliland.
Waxaana beesha caalamku ay dhawaan madaxwayne Siilaanyo usoo direen dhambaal waraaq ah oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin kala qaadista labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiilada oo qurshuhu markii hore ahaa in mar la wada qabto ayna qabsoomaan dhamaadka bisha March ee sanadka soo socda ee 2017-ka,balse madaxwaynuhu dib u dhigay doorashada wakiilada.
Arinkani kala qaadista labada doorasho ayaa ay beesha caalamku dhambaalkoodani ku lifaaqeen inay dhankooda go’aan ka gaadheen taageridii doorashooyinka ee beesha caalamka ayna isku filnaadaan iyaga oo sheegay in doorashada madaxtooyada ku deeqayaan hal milyan iyo badh dollar ka maraykanka ah,halka dawlada Somaliland ay kusoo baxsatay lacagta intii kale.
Madaxwayne Siilaanyo iyo waftigan uu hogaaminayo oo iyagu muddo laba todobaad ah ku sugan dalka ingiriiska ayaan wali kulan la qaadan madaxda dalka ingiriiska si ay ugala hadlaan arimaha doorashooyinka Somaliland ee la kala qaaday iyo duruufaha kuxeeran.
Wasiiro ka tirsan waftiga madaxwaynaha oo iyagu ka hadlay ujeedada socdaalka madaxwaynuhu ku tagay Magaalada London ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay,waxaana wasiirda madaxtoyada iyo duulista iyo hawadu ay sheegeen in ujeedada madaxwaynuhu ku tagay dalka ingiriiska ay tahay dardar galinta hawlaha qaranka Somaliland,sidoo kalena wasiirka arimaha dibada ayaa isna safarka madaxwaynaha ku sheegay inuu yahay mid nasasho isaga oo sidoo kale carabka ku dhuftay in aanu jirin wax kulan ah oo u qorshaysan madaxwaynaha iyo madaxda dawlada ingiriiska.
Dadka inta badan arimahan oo kale ka faalooda ayaa sheegay in xidhiidhkii u dhaxeeyey beesha caalamka iyo dawlada Somaliland uu xumaanayo isla markaana xukuumadda Somaliland looga baahan yahay in beesha caalamka ka dhaadhiciso kuna qanciso duruufaha sababtay in dib loo dhigo doorashada wakiilada.