Weftigii Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay oo dalka dib ugu soo laabtay kana waramay Safarkii ay ku tageen Imaaraadka Carabta
Hargaysa 27 March (SDN) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo wefdigii uu hogaaminayey ee socdaalka ku joogay dalka imaraadka carabta ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay iyadoo garoonka diyaaradaha madaarka magaalada berbera si balaadhan loogu soo dhaweeyey.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Xubnaha Weftigiisu waxay Salaan Sharaf ka qaateen Cutub ka tirsan Ciidamada Qaranka.
Markaas kadib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Warbaahinta kula hadlayay qolka nasashada ee Madaarka Diyaaradaha ee Berbera ayaa ka Waramay Safarka ay maalmihii u danbeeyay ku joogeen Wadanka Isu taga imaaraadka carabta waxaanu Xusay inay kulamo la yeesheen Madaxda Sare ee Isu taga Imaaraadka isla markaana ay ka wada hadleen Sii Xoojinta Xidhiidhka Iskaashi ee u dhexeeya labada wadan waxa uu Madaxweynuhu Sheegay inuu u bandhigay Mas’uuliyiintii ay kulamada yeesheen sidii ay gacan muuqata uga gaysan lahaayeen Mashaariicda Horumarineed ee Isu taga Imaaraadka Carabtu ka wadaan Somaliland.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Mas’uuliyiinta dawlada Imaaraadka ee ay la Kulmeen ay ka dalbaden inay Somaliland ka taageeraan hirgelinta dugsiyo cariya oo lagu barto farsamadda gacanta si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyaradda kala duwan ee dalka.
Madaxweynaha Waxaa Soo laabashadoodan ku soo biiray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ,weftigan ayaa Caawa ku Sugnaan doona Xarunta Gobolka Saaxil ee Magaalada Berbera.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com