|

Weftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Lugtii Socdaalkiisa ku Gaadhay Magaalada Burco

Burco 15.Sep 2013 (SDN)- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco ee Caasimada Gobolka

Togdheer ka dib markii uu Galinkii hore ee maanta ka Ambabaxay Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera oo uu Mashaariic Xadhiga kaga Jaray.

burco siilaanyoMadaxwaynaha Somaliland oo hadal kooban u jeediyay Dadwaynaha Soo dhaweeyay ayaa Mahad balaadhan u celiyay Dadwaynaha kala duwan ee Degaanka Burco,Warku waxa uu Intaas ku darayaa in Weftiga Madaxweynaha si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco iyo Berbera oo maanta ka ambo baxay.

Madaxwayne Silaanyo ayaa Shalay u hoyday Magaalada Berbera isagoo shalayna Xadhiga ka jaray Kuliyadda Ciidamada Qaranka ee Awbarkhadle. Madaxwaynaha ayaa la filayaa inuu Gobolada Barri u sii dhaafo Burco iyadoo la filayo inuu Gaadho Gobolka Daad madheedh. Hawlaha la filayo in Madaxwayne Silaanyo wax ka qabta waxaa ka mida khilaafka dhinaca Shiidaalka ee k a dhexeeya Dadka degaanka iyo Shirkaddaha Baadhaya Shiidaalka. Gobolka ayaa dhawaan waxaa ka baxday Shirkadda Shidaal qodista ee Genel Energy iyadoo horena MSF uga Baxday.

Burco SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed