Wefti Wasiiro ah oo Laascaanood ku Sugan oo Fooda is daray Isuduwayaasha Laamaha dawlada
Laascaanood 13.Aug (SDN) Kulan lagu daraasadaynayey xog ogaal u noqoshada hay’adaha dawladda ee gobolka Sool ee u baahan hagaajinta iyo xog ogaal u noqoshada ayaa maanta ku qabsoomay xarunta gobolkaasi ee magaalada Laascaanood.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Gobolka ayaa waxaa ka qayb qaatay weftigii wasiirada ahaa ee ku sugnaa gobolka Sool iyo isuduwayaasha heer gobol ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ayaa lagu qiimeeyey hay’adaha dawladda ee u baahan in la tayeeyo maamul ahaan, xafiis ahaan iyo shaqaale ahaanba.
Isuduwayaasha Biyaha iyo waxbarashada ee Gobolka Sool ayaa soo bandhigay baahiyaha lagama maarmaanka ah ee waxqabadka degdega ah u baahan.
Sida la ogyahay wasiiru dawlaha nabadaynta Gobolada Bari Md Cali maxamed (C Sandulle) iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka Md Cabdiwaaxid C/qaadir oo maalmahanba hawlo shaqo oo muhiim ah u joogay xarunta Gobolka sool ayaa hawlo dib u habayn iyo qiimayn ah ka wada guud ahaan gobolkaasi waxana ay kulankaa ka ballanqaadeen in baahiyaha degdega ah wax laga qaban doono, arimaha kalena ay dib ugula noqon doonaan xukuumadda dhexe.
Laascaanood SDN.
Qurbejoog.com