|

Wefti uu Hogaaminayo Axmed Madoobe oo ku sii Jeeda Caasimada Muqdisho oo ay kaga qayb galayaan Shirka dibu heshiisinta Jubooyinka

Muqdisho 02.Nov 2013 (SDN)- Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd u ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho uga qeyb-galo shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Sidoo kale waxaa maanta Kismaayo ka ambabaxay xubnaha maamulka Jubba uga qeyb-galaya shirka kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 100, isuguna jira qeybaha bulshada ay ka kooban tahay.

Shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee lagu qabanayo Muqdisho ayaa labo jeer oo hore dib u dhacay. Shan maalmood ayaa lagu wadaa inuu socdo shirka oo ay ka qeyb-galayaan siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed