Wefti Safiiro iyo Dublamaasiyiin ah oo Somaliland Socdaal ku Yimid iyo Kulan ay Madaxweyne Siilaanyo la Qaateen {DHAGAYSO}
Hargaysa 25.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wefti balaadhan Safiiro iyo Dublamaasiyiin ah oo booqasho ku Caasimada Dalka ee Hargaysa.
Madaxweynaha iyo Weftigan ayaa ka wada hadlay Mashaariicda Horumarineed ee ka dhaxaysa dawladaha ay Weftigani ka socdaan iyo Somaliland sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu warbixin ka siiyay Xaalada Guud ee ay Somaliland ku Sugan tahay.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaas kadib warbaahinta u waramay ayaa sheegay inay ka wada hadleen Weftigan arrimo ku lug leh dhinaca nabadgalyada isla markaana ay ku qanceen amniga ka Jira Somaliland .
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Socdaalka Weftigan
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WeftiSafiiro25.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com