Wefti Miisaan leh oo Ka Socda Denmark oo Hargaysa Booqasho ku Yimid iyo Kulan ay Madaxweyne Siilaanyo la Yeesheen DAAWO
Hargaysa 24.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmad Maxamad Maxamuud (Siilaayo) ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyadda wefti uu hogaaminayay safiirka dawladda Denmark u fadhiya magaalada Narobi ee dalka Kenya Geert Aagaard Andersen oo socdaal ku yimi dalka.
Kulankan madaxweyne Siilaanyo uu la yeeshay safiirka Denmark, ayaa waxa ku wahelinayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdi raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)xubno ka mid ah Golaha wasiirrada,waxaana ay ka wada hadleen xadhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo dalka Denmark iyo sidii Somaliland ay uga taageeri lahaayeen kaaba yaasha dhaqaalaha iyo doorashooyinka.
Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamad Biixi Yoonis oo warbaahinta la hadlay ka dib markii kulankaasi ka dib, ayaa waxa uu sheegay in safiirka ay ka wada hadleen arrimo labada wadan ee Somaliland iyo Denmark khuseeya ,waxaana uu tilmaamay in ay warbixin ka siiyeen xaga nabadgalyada iyo doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan wadanka sanadka 2015-ka.
Kulankaasi ayaa Markii uu soo dhamaaday Waxaa Saxaafada la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Safiirka Denmark ee dalka Kenya fadhigiisu yahay.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com