Wefti Ka Socdo Soomaaliya Oo Caawimo Sida Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa
Hargeysa (QJ/SDN) – Wefti caawimo u siday dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaliland iskugu jira Culimo,Abwaano iyo odayaal ayaa ka soo degay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Weftigan oo ay hoggaaminayaan Sheekh Maxamed Xaad iyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa mucaawimo ka timid xukuumadda Somaliya u sida dadka abaaruhu saameyeen ee Somaliland.
Weftigan oo lagu soo dhaweeyay Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay ka qayb qaadanayaan abaaraha baahsan ee ka jira Somaliland,waxana madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay guddiga Abaaraha heer qaran ee Somaliland.
Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco wararkayaga danbe insha allaah