Wefti Ka Socday Xisbiga WADDANI oo Isagu Jiray Mas’uuliyiin iyo Madax Ka Socotay Laamaha Dibadda ee Xisbiga WADDANI oo Si Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyey Magaalada Berbera+SAWIRO
Hargeysa05.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ay ku wehelinayaan mas’uuliyiin sar sare oo ka socday dalka Mareykanka oo ugu horeeyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobalka Menisota Md.Cabdiraxmaan Aadan Daahir, Axmed Nuur Qodax iyo Habboon Faarax, ayaa maanta si ballaadhan looggu soo dhaweeyey magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil.
Waxaana weftigan oo u jeedkiisu yahay dar-der-gelinta hawlaha xisbiga iyo sida oo kale u kuur-gelidda xaaladda nololeed ee bulshada ku dhaqan gobalka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera, sida oo kalena ay wehelinaayeen xildhibbaan Siciid Warsame Gaane, xoghaye xigeenka arrimaha siyaasadda Md.Maxamed Abiib, afhayeenka garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan.
Weftigan, ayaa markii ay soo gaadheen xarunta gobalka Saaxil ee Berbera, waxa si weyn u soo dhaweeyey guddoomiyaha gobalka Saaxil ee xisbiga WADDANI, afhayeenka gobalka, garabadda dhallinyarta iyo haweenka, iyo taageerayaal kale.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobalka Saaxil Md.Cali Axmed Kooshin oo ugu horeyn halkaas ka hadlay si diiran u soo dhaweyey weftiga, waxaana uu uga xog waramay hawlaha xisbiga iyo sida oo kale xaaladda guud ee gobalka Saaxil, isaga oo carabka ku dhuftay in uu aad uga dayrinaayo xaaladda ay maanta ku sugan tahay magaalada Berbera.
“Aad iyo aad ayaan idiin soo dhaweynayaa gebi ahaan mas’uuliyiinta kala duwan ee xisbiga WADDANI ee ka kala socda guddo iyo dibadba, gaar ahaan xubnaha weftiga ah ee ka yimi dalka Mareykanka ee u soo kici timay in ay xog-oggaal u noqdaan xaaladda guud ee dalka, aad iyo aad ayaan mar kale idiin soo dhaweynayaa, waxaanan idin leeyahay ku soo dhawaada dalkiina. Waxaana aan idiin sheegayaa in Xisbiga WADDANI uu maanta hantiyey quluubta shacabka gobalka Saaxil, ku waasi oo ayidsan in xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga qudha ee dalka ka dhallin kara is-bedel xalaal ah oo aan ahayn kii lagu hungoobay ee xisbiga KULMYIYE.”.Ayuu yidhi Md.Cali Axmed Kooshin
Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ka xog waramay u jeedka safarkooda iyo sida oo kale waxyaabaha uu daaran yahay, waxaana uu sheegay socdaalkoodani khuseeyo dar-der-gelinta hawlaha xisbiga iyo sida oo kale u kuur-gelidda xaaladda guud ee bulshada ku dhaqan gobalka Saaxil.
“Farxad weyn ayey maanta noo tahay in aanu soo booqanno magaalada Berbera, aad iyo aad-na waanu uga mahad-celinaynaa madaxda xisbiga WADDANI ee gobalku sida fiican ee ay noo soo dhaweeyern. Weftigan maanta waxa uu ka kooban yahay mas’uuliyiin sar sare oo ka socday dalka Mareykanka, kuwaasi oo u socday xog-oggaal noqoshada xaaladda dhaqan dhaqaale ee dalka, muddooyinkii dambe dalka ayey ku sugnaayeen, gobalka Awdal ayey hore u soo mareen, Hargeysa waa ay soo mareen, goobo kala duwanna waa ay tageen, maantana idinka(Berbera) ayey idin la jooggaan, waxaana ay berry u sii socdaali doonnaan magaalada Burco.”.Ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa.
Guddoomiyaha gobalka Menisota ee xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Aadan Daahir oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay socdaalkiisa, gaar ahaan isaga iyo weftiga ka socda dalka Mareykanka, waxaana uu tilmaamay in kaliya ay dalka u yimaadeen siddii ay xog-oggaal dhabba ugu noqon lahaayeen xaaladda guud ee ay ku nool yihiin shacabka Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in loo baahan yahay siddii loo badbaadin lahaa shacabka isla mar ahaantaana looggu horseedi lahaa isbedel xalaal ah.
“Farxad weyn ayey ii tahay in aniga iyo weftiga ka socda xisbiga WADDANI iyo gaar ahaan intayada ka timi dalka Mareykanku aanu maanta soo gaadhno Berbera, hore goballada Awdal iyo Maroodi-jeex ayaanu u soo marnay, maantana Berbera, haddii Alle idmana waxa aanu isku deyi doonnaa in intii karaan kayaga ah aanu uga sii gudubno goballada kale. Ujeedka socdaalkayagu waxa uu daaran yahay siddii aan ka qurbo-joog ahaan wax uga oggaan lahayn xaaladda dalka, maadaama oo aanu had iyo jeer kale iya Tv-yada uun wax aragno, waxaana aanu rabnaa in aanu dareen dhow la wadaagno shacabkayaga si wixii aanu tari karno aanu u tarno, sida oo kalena ugu horseedno horumar iyo isbedel habboon. Annaga oo goballaddii aanu soo marnay iyo kanba ka markhaati kacayna in loo baahan yahay isbedel xaala oo dadka iyo dalkaba wax u tara.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Aadan Daahir.