|

Wefti Ka Socda Xukuumadda Somaliland oo Socdaal la Xidhiidha Dhoofka Xoolaha Ku Jooga Dalka Qadar

Dooxa 25. December 2016 (SDN/QJ):-  Wefti  Wasiirro ah oo ka socda xukuumadda Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa ka degay magaaladda Dooxa ee caasimadda  dalka Qadar.

Weftigan wasiirrada ah oo uu hogaaminaayo wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta Somaliland Maxamed Aadan (Qabyo-tire), oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Axmed Aadan Kayse, Wasiirku xigeenka wasaaradda madaxtooyada  Axmed Xaashi Cabdi iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo Xasan Daahir Dhimbiil, ayaa gaadhay magaalo madaxda wadanka Qadar ee Dooxa.u jeedada ugu weyn ee socdaalka  weftigan ayaa ah sidii  ay suuq ganacsi oo loo iibgeeyo ugu   raadin lahaayeen  xoolaha Somaliland, kadib markii ay dhawaan dawladda Sucuudigu hakisay  dhoofinta xoolaha uga yimaadda Somaliland iyo Somaliland.

Wasiirka qorshaynta qaranka    Somaliland  Maxamed  Aadan Ibraahim  (Qabo) oo la hadlayay  jaaliyadda reer Somaliland ee magaaladda Dooxa oo  madaarka  ku  soo dhaweeyay   waxa uu faah-faahin ka bixiyay  ujeedada socdaalkooda   waxaanu  yidhi,  “Ujeeddada koowaad ee aanu u soconaa waa in aanu suuq ganacsi uga raadinyo   Adhigee-na wadabada Khaliijka carabta iyo kuwa bariga dhexe-ba.”  Wasiir Qabyo-tire, waxa kale  oo uu  ka hadlay waxyaabaha   u qorshaysan inta ay joogaan dalka Qadar, “Waxa kale oo aanu u nimid   in aanu dadka reer Somaliland ee ku nool  wadamada carabta ku wacyigelino,  una sheegno abaaraha dalkee-na ka jira. Anaggoo og in ay hore uga qayb qateen hadana waxaanu doonaynaa in ay arrintaa ay nagala hawl galaan sidii dadka abaaruhu saameeyeen  wax loogu qaban lahaa,” ayuu yidhi Wasiir Qabo.

“Waxaanu aad ugu faraxsanahay in aanu halkan ku soo dhawayno weftigan wasiirada ah ee miinsaanka, waana kuu gu cuslaa ee wasiiro intaas leegi ay ku yimaadaan magaaladda Dooxa. Markaa hadaanu nahay jaaliyadda Somaliland eek u nool wadanka Qadar siiba magaaladda Dooxa diyaar baanu u nahay in aanu indin kala shaqayno arrimahaas aad u socotaan.” Sidaana waxa yidhi masuul ku hadlaayay afka jaaliyada Somaliland eek u nool magaaladda Dooxa ee wadanka Qadar.

Weftigan ayaa inta ay joogaan wadanka Qadar waxay kulano is-xogwaraysi ah la yeelan doonaan jaaliyadda Somaliland ee ku nool wadankaas, kulanadaasna qaadhaano loogu uruurin doono taakulaynta dadka abaaruhu ay saamaynta ku yeesheen.

Comments are closed