Wefti ka socda Qaadhaan Bixiyeyaasha Somaliland ka Caawiya Doorashooyinka oo Hargaysa ku soo Fool leh iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Walaac ka Muujiyay Khilaafka Wakiilada DAAWO
Hargaysa 28.Oct 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta Markii Kowaad ka Hadlay Khilaafka Soo kala dhex galay Golaha Wakiilada iyo Sida ay Waajib u tahay in La qabyo Tiro oo la ansixiyo Xeerka Diiwaangelinta Muwaadinka iyo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka .
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Waxa uu sheegay in Afarta Bisha Soo Socota uu dalka iman doonaan Wefti ka socda Qaadhaan Bixiyeyaasha Isla markaana ay hore ugula soo heshiiyeen inay dhamaystiri doonaan Shuruudaha ku Xidhan dhaqaalaha doorashooyinka iyo Diiwaangelinta.