|

Wefti Ka Socda Dawladda Qadar oo Galabta Socdaal Kedis ah Ku Tegay Magaalada Muqdisho,Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay & Mawqifka Somalia oo Halkiisii Taagan

Muqdisho 11. June 2017 (SDN/QJ):-Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee dawladda Qatar Suldaan Bin Saad Al-Muraikhi, ayaa socdaal lama filaan ah ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaliya.

Mas’uulkan ka socda dawladda Qatar, ayaa isla maanta ba kulan la qaaday Madaxweynaha dalka Somaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyaga oo ka wada hadlay xaaladda hada ka taagan wadamada Carabta, waxaana sida la sheegay uu sarkaalkaasi dawladda Somaliya uga mahadceliyey qaabkii ay u wajahday khilaafka ka dhex aloosan wadamada Carabta.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa kulan kula qaatay  magaalada Muqdisho madax katirsan dowlada Soomaaliya uu ku jiro Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khere, waxa ayna kawada hadlayaan xiisada ka taagan Wadamada Khaliihjka Carabta.

Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa sidoo kale Wuxuu Kulan la qaatay  Madaxwenaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxa ayna labada dhinac sidoo kale ka hadleen  khilaafka Khaliijka ka taagan iyo sidii Soomaaliya u taageeri laheed dalka Qadar.

Dowlada Soomaaliya ayaa xiligan ku jahwareersan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Wadamada Khaliijka Carabta, waxa ayna Dowlada wali go’aansan la’dahay cida ay la jirsaneyso labada dhinac ee is haya.

War dhawaan ay soo saartay Dowlada Soomaaliya ayaan labada dhinacba lagu taageerin, waxa ayna dowlada sheegtay in ay ka xun tahay khilaafka Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Wadamada Khaliijka Carabta, waxa ayna ku baaqday in xal diblumaasiyadeed lagu dhameeyo Khilaafka taagan.

Comments are closed