Wefti ka socda dalka Shiinaha oo Somaliland u yimi Maalgashiga Khayraadka Badda
Hargeysa 26, April 2012 (Qurbejoog.com)- Wefti ka socda shirkado fadhigoodu yahay dalka Shiinaha, ayaa shalay ka soo degay madaarka magaalo-xeebeeda Berbera ee gobolka Saaxil.
Weftigan oo ka kooban 9 xubnood oo shirkaddaha Shiinaha ee dhinaca Kalluumaysiga ah, waxa madaarka ku qaabilay wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Somaliland Mr. Cabdullaahi Jaamac Cusmaan (Geeljire) iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).
Wasiirka Kalluumaysiga oo u soo hoggaamiyay dhinaca caasimadda Hargeysa, waxa uu sheegay in weftigani u socdo arrimo la xidhiidha maalgashiga Somaliland, gaar ahaan dhinaca khayraadka Badda. “Xubnaha weftigan booqashada ku yimi Somaliland oo ka socda shirkadaha Kalluumaysiga dalka Shiinaha oo aanu dalka Shiinaha hore ugu kulanay oo ay igu casuumeen markii aan tegay bishii January, ka dibn aanu Somaliland ku martiqaadnay, waxay wax nagala qaban doonaan intii suurtgal ah arrimaha Kalluumaysiga iyo inay maalgashadaan Somaliland,” ayuu yidhi Mr. Geel-jire.
Markii weftigu soo degeen, intii ay joogeen Berbera waxay booqdeen goobo dhawr ah sida dekedda iyo xarunta Kalluumaysiga guud ee magaaladaas.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com