Wefti Isugu Jira Madaxda Ismaamuulka Dawlad Deegaanka Qowmiyadda Oromiya Iyo Suldaanka Guud Ee Oromada Oo Kusoo Wajahan Somaliland Iyo Ujeedada Socdaalkooda
Hargaysa 21. September 2017 (SDN/QJ):- Wefti ballaadhan oo isugu jira Madaxda Is-maamulka Oromada iyo salaadiin uu kamid yahay Suldaanka Guud ee qowmiyada oromada ayaa ku soo wajahan caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxaanu socdaalkoodani noqonaaya kii ugu horreeyay ee madaxda Is-maamulka Oromadu ku yimaddaan Somaliland, waxaana ujeedada socdaalkani daaran yahay dejinta colaadaha ka dhex qarxay dadka Oromada iyo sidoo kale shacabka Somaliland ee salka ku hayaa dadkii reer Somaliland ee lagu diley Magaalada Hawaday ee Is-maamuulka Oromada, waxaanay weftigani si toosa ula kulmayaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Madaxda Dhaqanka iyo Masuuliyiin kale.
Wararka arrintan la xidhiidha oo wargeyska Foore soo gaadhay waxa uu intaasi ku darayaa in Weftigan oo ka kooban wasiiro ka tirsan is-maamuulka oromada itoobiya iyo madax dhaqameedka oromada ayaa Hargeysa u imanaya sidii ay xukuumadda Somaliland ugala hadli lahayeen dadkii reer Somaliland ee ku dhintay magaalada hawaday islamarkaana ay qowmiyada oromadu dilka ugeysteen, iyo sidii shacabka Somaliland raalli-gelin buuxda uga siin lahayeen dadkii reer Somaliland ee lagu diley Magaalada hawaaday iyaga oo sidoo kale xukuumadda Somaliland ku wareejin doona Magta iyo xabaalo qodkii dadkii ku dhintay gacanta Qowmiyada oromada.
Sidoo kale warar Xogogaala oo Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in Maamuulka Oromiya hoos uu dhigeen Calanka Maamuulkaas si ay baroordiiq toban cisho ugu baroordiiqaan dadkii reer Somaliland ee ku dhintay magaalada hawaday waxaanay xukuumadda Somaliland la wadagayaan sida maamuulka oromadu sheegeen in ay uga xunyahay dilkii loo geystay shacabkii reer Somaliland ee magaalada hawaaday lagu dilay.
Dhanka kale weftigan ka socda qowmiyada oromada ayaa Xukuumadda Somaliland ka dalbanaya soo celinta xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya dadka oromada iyo shacabka Somaliland maadaama maalmihii ugu dambeeyay uu Go,doon galay xidhiidhka ganacsi ee qowmiyada oromada iyo shacabka Somaliland, oo ugu horreeyo qaadka oo maalmihii ugu dambeeyay Aan soo geli Guud ahaan Somaliland iyo qaar kamida dhulka Soomaalida.
Si kastaba ha ahaatee Xidhiidh Ganacsi oo qoto dheer ayaa u dhexeeyay shacabka reer Somaliland iyo Dalkaasi Itoobiya gaar ahaan Qowmiyada oromada waxaana badiba dhaqaalaha Qowmiyada oromadu ku tirsanyahay ganacsiga ay Somaliland la wadaagaan sida Qaadka iyo Khudaarta, waxaana arrintaas samaayn ku yeeshay dilkii loo geystay 32 qof oo ka soo jeeda Gobolada Maroodijeex iyo Awdal ee Somaliland iyada oo arrintaasi colaad ka dhex abuurtay dadka oromada iyo Soomaalida, waxaana weftigan Oromadu Hargeysa u iman doona sidii ay Xukuumadda Somaliland ula geli lahayeen wada xajood lagu soo celinayo xaaladii wada nolaansho ee shacabka Somaliland iyo dalkaasi Itoobiya gaar ahaan dadka oromada.