Wefti Afar Wasiir ka Kooban oo Xalay Gaadhay Degmada Maydh ee Gobolka Sanaag iyo Ujeedada Socdaalkooda
Maydh 29.March 2015 (SDN/QJ)- Wefti balaadhan oo ka socda Xukuumada Somaliland ayaa Xalay Gaadhay Degmada Degmada Maydh ee Gobolka Sanaag.
Weftigan oo ka Kooban Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye,Waxbarashada Prof Faarax Cilmi Geedoole ,Kalluumaysiga Cali Axmed Bureed, Iyo Wasiirul dawlaha Wasaaradda Maaliyada Mudane Cismaan Saxardiid Caddaani.
Weftiga Waxaa Tuulada Conqor kaga hortagay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fly,Xildhibaan Qamar Taleex iyo Gudoomiyaha Degmada Maydh Waxayna dhagax dhigeen Xarun Qaboojiye iyo Baraf- dhaliye laga hirgalinayo Tuulo Xeebeedka Conqor.
Weftiga ayaa Maalinta oo Axad ah dhagax dhigi doona Mashaariic horumarineed oo laga hirgalinayo dekeda Maydh .