Wefdi wasiiro Somaliland ah oo maanta gaadhay Qaahira
Qaahira Dec 25,2011(qurbejoog.com)-Wefdi Wasiiro ah oo ka socda Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta gaadhay magaalada Qaahira si ay kulamo rasmi ah ula yeeshaan madaxda dalka Masar.
Wasiiradan oo kal ah wasiirka wasaarada arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalemiga Md Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Xaaji Xasan.
Sidaana wax lagu sheegay war saxaafadeed kooban oo looga waramay safarka masuuliyiinta oo ka soo baxay wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland,qoraalka oo dhameystirana waxa uu u qoraa sidan;“Weftigan waxa gegida diyaaradaha ku sugaayey oo ka horyimid Dublamaasiyiin iyo masuuliyin ay horkacaysay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda ee qaabilsan Africa ee Dalka Masar, Mona Omar oo uu weheliyo Safiirka Dalka Masar ee Soomaaliya iyo Somaliland Ayman Magdi, Labada Wasiir oo ay gelbinayaan masuuyiin sarsare oo u badan wasaarada khaarajiga ee dalka masar ayaa la dejiyey halkii loogu tallo galay oo maqaamsare leh.
Weftiga Somaliland ayaa la filayaa in maanta kulamo la yeeshaan madaxda dawlada masar oo uu ugu horeeyo wasiirka arrimaha debeda ee dalkaasi.
Socdaalka uu weftiga Somaliland ku tegay dalka masar ayaa ah mid qiimo weyn ugu fadhiya xidhiidhka ay Somaliland la yeelanayso wadamada carbeed iyo kuwa Afrikaba iyadoo ay u muuqato in ay Somaliland ka faa’iidaysanayso isbedelka ka dhacay dalka masar waxana la ogyahay in ay dawlada masaaridu meel muuqata kaga jirto Saamayn weyna ku leedahay guud ahaanba siyaasada Afrika iyo carabta oo ay tahay halka isku xidha.”
Qurbejoog-Qaahira