Wefdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Guddaha oo dalka Dib ugu soo noqday
Hargeysa Mar 27,2012(SDN)-Weftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha eeJamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” oomudooyinkii u danbeeyay socdaal hawleed ugu maqnaa dalka Ingiriiskaayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimada dalka ee Hargaysa.
Weftiga uu hor kacayoWasiirka Arrimaha Gudaha oo ka soo degay Gegida Diyaaradaha ee CigaalInternational Airport ,waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka kuxigeenka wasaarada arrimaha gudaha iyo saraakiil ka tirsan Ciidamadaamaanka .
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland MudaneMaxamed Nuur Caraale “Duur” oo qolka nasashada ee madaarka uguwaramayay Warbaahinta ayaa ujeedada socdaalkooda ku tilmaamay sidii Somaliland looga caawin lahaa dhismaha wasaaradaha arrimaha gudaha iyo cadaalada oo sal dhig u ah dhismaha iyo xoojinta hay’adaha amaankaWasiirka arrimaha guduhu waxa uu sheegay inay madax iyo mas’uuliyiinka tirsan dawlada ingiriiska isla markaana ay rajaynayaan in waxbadani u qabsoomaan
Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka SomalilandMudane Xuseen Axmed Caydiid oo xubin ka ahaa Weftigan ayaa ka hadlaydib ugu soo celinta Somaliland ee kooxaha budhcad badeeda ee ku xidhan wadamada ka durugsan Somaliland.
Weftigan uu hogaaminayay Wasiirka arrimaha gudaha waxaa xubno ka ahaaTaliye ku xigeenada Ciidamada booliska iyo Asluubta, iyo mas’uuliyiin kale.
SDN-Hargeysa