|

Wefdi reer Somaliland oo ka qeybgelaya shirka London oo maanta dhoofay

Hargeysa Feb 14,2012(qurbejoog.com)-Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Somaliland Mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo qayb ka ah Weftiga ka kooban golayaasha qaranka ee ka qayb galaya shirka dalka  Ingiriiska lagu qabanayo dabayaaqada bishan aynu ku guda jirno ee Feb ayaa maanta u kicitimay waddanka aynu deriska nahay ee Itoobiya.

Weftigan oo dalka itoobiya ka galay dhinaca xuduuda ayaa ka kooban Wasiirada Warfaafinta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade, Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali ,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo isagu safar diyaaradeed ku baxay,Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Udub Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Sharci dejinta (Guurtida iyo Wakiilada).

 Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Somaliland Mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo hadal kooban oo ku aadan ujeedada  socdaalkooda ka jeediyay Magaalo xuduudeedka Wajaale ayaa sheegay inay sii gudo geli doonaan arrimaha shirka London ka dhici doona 23 bishan isla markaana ay Magaalada Addis ababa ku sii hakan doonaan si ay u sii dhamaystiraan wixii qabyo tir u baahan ee weftiga balaadhan ee xukuumada Somaliland uga qayb galaya shirkaasi ay u baahan yihiin isla markaana ay kulamo la yeelan doonaan madaxda safaarada ingiriiska ee fadhigoodu yahay magaalada addis ababa .

Wasiirka warfaafintu waxa uu intaas ku daray in weftiga xukuumada ,Golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada Siyaasada oo noqonaya kii u horeeyay ee si wada jir ah u iib geeya qadiyada madax banaanida Somaliland uu hogaamin doono Madaxweynaha J,S.L Md.Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo”.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Udub Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo soo dhaweeyay in fikir midaysan lagu iib geeyo qadiyada ay Somaliland kaga garnaqsanayso shirkaas oo ah mid heer caalami ah wax badana ka badali doona dariiqii ay Somaliland ku baadi goobaysay aqoonsiga ay Jamhuuriyada Somaliland.

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed