Wefdi QM ka socda oo gaadhay Dimishiq
Dimishiq Mar 07,2012(SDN)-Madaxa dhinaca aadanimada u qaabilsan qaramada Midoobay Valerie Amos ayaa gaadhay wadanka Suuriya si ay xukuumada wadankaasi ugu booriso in gargaarka la gaadhsiiyo magaalooyinka dagaaladu ay dhibaatadooyinka u geysteen.
Ms. Valerie Amos waxay kulan la yeelatay wasiirka arimaha dibada ee xukuumada Suuriya Mr. Waliid Macalim, waxaanay Ms. Valerie ay tagtay dhinaca magaalada saddexaad ee wadankaasi ugu weyn ee Xumis, si ay usoo indha indheyso xaalada ba’an ee dhinaca aadanimada ee ka taagan mandaqadaasi .
Suuriya ayaa diiday in laanqayrta Cas iyo bisha Casi ay galaan magaalada Xumis, waxaanay sabab uga dhigeen walaac la xidhiidha dhinaca amaanka.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku tilmaamay xaalada ka taagan wadanka Suuriya mid niyad jab ah.
Geesta kale, ergayga qaramada midawday iyo jaamacada carabta u qaabilsan arimaha Suuriya , oo ah xoghayihii hore ee qaramada Midoobay Mr. Kofi Annan ayaa lagu wadaa inuu socdaal ku tago wadankaasi dhawrka maalmood ee soo socda.
Qaramada midawday ayaa sheegtay tiro kabadan 7500 ruux in ay ku dhinteen wadankaasi Suuriya mudadii 12ka bilood aheyd ee dalkaasi ay ka socdeen qulqulatada iyo rabshaduhu.
Hayadda qaxootiga u qaabilsan qaramada midawday ayaa sheegtay dadkabadan 1,500 ruux oo Suuriyiin ah oo kasoo baro kacay magaalada Xumis in ay usoo gudbeen dhinaca xuduuda Lubnaan.
SDN-Dimishiq