Wefdi ka socda Xukuumada Puntland oo Booqanaya Degaano dhawaan uu Booqday wasiirka Gaashaandhiga Somaliland
Laasqoray Jan 18,2012(SDN)-Wefdi uu hogaaminayo wasiirka Dekedaha iyo la dagaalnka burcad-badeeda Md Siciid Maxamed Raage ayaa booqasho ku jooga degaanka Laas qoray oo dhawaan uu booqday wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.
Safarkan ayaa ku soo beegmaya xili hadal heyn badani ay ka taagneynd tilaabo ay ciidamada Somaliland ugu wareejiyeen degaanka Tuka Raq ciidamada Puntland.
Wasiirka Dekedaha iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa ujeedada socdaalkoodu yahay mashruuc deked loogu dhisayo Laasqoray.
Booqashada wefdiga Puntland ee degaanka Laasqoray ayaa u muuqda mid dhinacyada isku haya degaankaa ee kala ayidsan Puntland iyo Somaliland ay dhooletus ku muujinayaan taageerada ay u hayaan maamulada.
Si kastaba ha ahaatee gobolka Sanaag waa uu ka hadhaqan duwan yaay gobolka isna doodu ka taagan tahay ee Sool.
Waana degaan dadka wadayaala ay u muuqdaan qaar xaqaaiqa degaanadooda yaala ka dheregsan.
SDN-Laasqoray
contact@somallidiasporanews.com