|

Weeraro Maataano ah oo Maanta Lagu Qaaday Xarunta Baarlamaanka Iran,Qabriga Aasaasihii Iran Aayatulaahi Khomeini,Khasaaraha Ka Dhashay & Sida ay Wax u Dhaceen DAAWO/SAWIRO

Tehran 07. June 2017 (SDN/QJ):- Dalka iran ugu yaraan 12 qof ayaa dhintay ka dib labo weerar oo maanta lagu qaaday xarunta baarlamaanka iyo qabriga aasaasihii Iiraan ee Khomeini oo ku yaalla caasimadda Tehran.

warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasina waxay sheegtay in weeraradaas loo adeegsaday qoryaha boobayaasha fudud iyo bumbooyinka gacmaha laga tuuro.

Wakaalada wararka ee Iran ayaa sheegtay in afar nin soo weerareen xarunta baarlamaanka Iran iyadoo afar askari oo gaadhka taagnaa mid ka mid ah uu rasaastaa ku dhintay sadexdii kalena ku dhaawacmeen, waxana wakaalada wararka ee FAARIS ay xaqiijisay in ugu yaraan shan qof ku dhinteen weerarkaa 10 kalena lagu dhaawacay.

Weerar kale oo isna lala beegsaday Qabriga uu Ku aasan Yahay Aasaasihii Kacaanka Dalka Iran  Aayatulaahi Cali khumayni  waxaa ku dhintay dad aan tiradooda la sixin waxaana ku dhaawacmay tiro kale.

Saraakiisha ammaanka ee Iran waxay sheegeen inay fashiliyeen weerar kale oo is miidaamin ah oo la damacsanaa in la fuliyo.

Warbixino ayaa sheegaya in booliiska ay xireen ugu yaraan hal qof, isla markaana ay dileen mid kale, dowlada Iiraana waxay weerarkaasi ku eedeysay dowlada boqortooyada Sacuudiga.

Comments are closed