|

Weerarkii Jeelka Abu Qurayb waxuu muujinayaa saamaynta shabakadda Alqaacida ee Gobolka

Washington 26.July (SDN) Wargayska Washington Post ee dalka Maraykanka ayaa todobaadkan badhtamihiisii waxa uu qoray warbixin muujinaysa sida uu weerarkii ay alqaacidada labada webi ku qaadeen xabsiga Abu Qurayb ee galbeedka magalada baqdaad ku yaalla, uu sumcad xumo ugu yahay xukuumadda dalkaas iyo saaxiibadeeda dhinaca ammaanka ka caawiya.

Wargayska ayaa waxaa uu leeyahay weerarkaas oo lagu furtay boqolaal maxbuus oo jeelkaa ku jiray oo ku eedaysnaa arimo dhanka argagixisada uu taageero cusub ugu yahay hawlgalada shabakada alqaacida ee dalalka Ciraaq iyo Suuriyada la deriska ah

Washington Post ayaa warbixinteeda ku dartay xogo ay ka soo xigatay mas’uuliyiin ameerikaan ah oo wargayska u sheegay in tirada maxaabist halkaa ka baxsatay ay gaadhayso shan boqol ilaa lix boqol oo maxbuus oo ay ku jireen xubno ka tirsanaa shabakadda alqaacida.

dhanka kalena wargaysku waxa uu sheegay in ilaa hadda aanay cadayn cidda ka wada shaqaysay weerarkaasi lagu qaaday xabsiga abu qurayb inkastoo saraakiisha dhinaca ammaanku ku adkaysanayaan in shabakda alqaacida garabkeeda shaam iyo ciraaq ay tahay cidda fulisay weerarka noocaas ah oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee guul intaa le’eg ay ka gaadhaan kooxaha hubaysan ee gobolkaasi.

Washington SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed