|

Weerarkii Hutel Jazira Dhawaan Lagu Qaaday Oo Sababay In Quwadaha Shiinaha Iyo Maraykanku War Cusub Kasoo Saaraan Xaaladda Soomaaliya

Beijing:Aug,05,2015(SDN/QJ)-Kadid qarax Kooxda Al-shabaab ku qaadday Hutel Jaziira ee Magaalada Muqdisho, isla-markaana ku Laysay Diblomaasiyiin qaarkood u dhasheen Dalka Chine, ayaa Dawlaha Maraykanka iyo Chine waxa ay yeesheen kulan ay kaga hadlayaan Weerarrada Al-shabaab Somalia ka fuliso.

cirxLabada dowladood ee Shiinaha iyo Mareykanka ayaa isku raacay iney si wadajir ah kaga hortagaan waxay ugu yeereen argagaxisada, ayna taageeraan dalalka ku yaala bariga qaarada Africa.

Arinta kulanka ay wada yeesheen diblumaasiyiinta Shiinaha iyo Mareykanka ayaa ka dambeysay kadib markii sarkaal ka tirsanaa safaarada Shiinaha ee Muqdisho ku dhintay weerarkii ka dhacay Hotel-ka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay afar kamid ah xubnaha safaarada shiinaha ee magaalada Muqdisho, sida Shiinaha laga soo xigtay.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Shiinaha ayaa waxaa lagu sheegay in labada dowladood isku raaceen in si wadajir ah kaga shaqeeyaan arimaha amaanka iyo taageero dowlada Soomaaliya laga siiyo la dagaalanka Alshabaab.

Wasiir ku xigeenka arimaha dibada Shiinaha Cheng Guoping iyo agaasimaha waaxda la dagaalanka waxay ugu yeedheen argagixsada Marekanka Tina Kaidanow ayaana isku raacay fikirka dowlada Soomaaliya lagu taageerayo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed