|

Weerarka Shababaku ku qaadeen Westgate Mall muxuu ka dhigan yahay?

Nairobi Sept 25,2013(SDN)-Kooxda Al Shabaab oo sanadihii u danbeeyay caalamku qabay in awoodoodii la wiiqay ayaa waxa ay weerar afar casho qaatay ku qabsadeen xarunta Ganacsiga Westgate Mall.

Weerarka Shabaabka ee caalamku wada hadal hayo ayaa dhawr fariimood mar wada diraya.

Waa marka u horeysee weerarku waxa uu dirayaa fariin ah in hogaamiye ku adag Jihaadka Caalemiga ahi uu haatan u haray hogaanka Ururka Al Shabaab,Mukhtaar Abu Subeyr.

Ururka ayaa mudo dheer ku kala qeybsanaa hogaanka iyo dhabaha uu ururku u marayo hadafkiisa.

Balse kolkii Abu Zubeyr uu ku guuleystay in uu ka takhaluso madaxdii sare ee suaalaha ka keeni jiray qorshihiisa caalemiga ah ayuu waxa uu weerarkan fariin ugu duray caalamka in ururku aheyn mid Soomaaliya ku kooban.

Shabaabku waxa kale oo ay muujiyeen in ay fikirka Al Qacida ka mira dhalin karaan isla markaana ay meel Soomaaliya ka baxsan ka hawlgeli karaan.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed