|

Weerar Xalay Lagu Qaaday Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho iyo Diyaaradii Turkish Airline Oo Aan Maanta Iman

Muqdisho,14Dec,2015(QJ/SDN)-Xilli xalay rasaas laga maqlay garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo la sheegay inay ahaayeen kuwo ay AMISOM kaga jawaabaysay Weerar ay dhanka badda kaga soo qaadeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa waxaa maanta ka hadlay arrintaas ciidanka AMISOM ee ilaalo ka haya garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Afhayeenka AMISOM Col. Paul Njuguna oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawr doomood ay kusoo dhawaadeen Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayna dhawr jeer Rasaas kusoo fureen, laakiin wuxuu sheegay in taas aan la odhan karin waxaa la weeraray Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

“Way jirtaa in xalay fiidkii ay kusoo dhawaadeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdihso, ayna dhowr jeer soo rasaaseeyeen, iyaguna ay u jawaabeen balse aan la dhihi karin garoonka ayaa la weeraray,” ayuu yidhi Col. Paul Njuguna.

Sidoo kale, afhayeenka AMISOM ma uusan sheegin cidda iska leh doomaha xalay rasaasta ku furay garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidoo kalena ma uusan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay iska-horimaadkaas.

Dhanka kale, warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerarkaan ay soo qaadeen garoonka ayna ciidamada AMISOM ugu jawaabeen rasaas fudud iyo mid culus oo inta badan laga maqlay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa wuxuu sababay in diyaaraddii Turkish Airlines oo maalin kasta duulimaad ku imaan jirtay Muqdisho ay maanta baaqatay, balse illaa hadda ma jirto wax faah-faahin oo laga bixiyay baaqashada duulimaadkeedii Muqdisho.

Ugu dambeyn, garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ilaalaya ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia; iyadoo aysan jirn cid sheegatay mas’uuliyada weerarkii xalay dhanka badda looga soo qaaday garoonka diyaaradaha.

Comments are closed