|

Weerar Tiknoolajiyadeed oo Lagu Qaaday Computerada Telefishanka Al Jazeera

Doha 11. June 2017 (SDN/QJ):-Waxa weerar dhinaca Koombuyuutarka ah lagu qaaday dhammaan shabakadihii iyo barihii kale ee bulshada ee ay lahayd Warbaahinta ALJAZEERA, gaar ahaan Xarunteeda guud ee Dooxa.

 Weerarkii iyo isku-day la doonayo in lagula wareego wali wuu socdaa sida uu telefishanku ku tebiyay barta uu ku leeyahay Twitter.

Maamulka Telefishanka Al Jazeera oo Xaruntiisu tahay Magaaladda Doha ee Dalka Qatar Isla markaana qayb ka ah asbaabaha Keenay inay dalalka Khaliijku Xidhiidhkii u Jaraan dalka Qatar ayaa Sheegay in aanay tani ka hor istaagi doonin tebinta wararka iyo dhacdooyinka adduunka ka socda.

Geesta kale warar horleh oo laga helayo saraakiisha sirdoonka Maraykanka ee baadhaya weerarkii internetka ee lagu qaaday toddobaadkii hore warbaahinta Dowlada Qatar ee lagu shaaciyey warar been ah oo sheegaya in Amiirka Qatar uu khudbad uu jeediyey ku taageeray IRAN iyo ururada Xisbullah iyo Xamaas.

 

Warkan beenta ah ee lagu baahiyey Websiteka iyo Telefishinka Warbaahinta Qaranka ee Qatar ayey dowlada Qatar beenisay isla markaana ku tilmaamtay in kooxo (Hackers) ah weerar kusoo qaadeen warbaahintooda.

Comments are closed