Weerar mar kale lagu qaaday degaanada Kiinya ee xadka Soomaaliya saaran
Wadjeer July 19,2012(SDN)-Waxa mar kale shalay gelinkii danbe weerar lagu qaaday bar laga cunteeyo oo ku taala degmada Wadjeer ee dhacda xadka Kiinya la wadaagto Soomaaliya sida dadka degaanka iyo ciidamada amniguba ay xaqiijiyeen.
Werarka oo aaney ilaa iyo haatab cidi sheegan ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaan weeraro isdaba yiilay oo bilihii u danbeeyay lagu qaadayay degaanda xadka.
Dawlada Kiinya ayaase weerarada dusha u saarta kol walba kooxda Al shabaab oo ciidamadoodu dagaalka kula jiraan.
“Waxaan maqlay laba qarax oo is-xiga oo ka dhacay aqalkeyga dabadii,markaan soo baxayna waxaan arkay dad tiro badan oo ooyaya”sidaa waxa yiri nin ka agdhawaa goobta qaraxu ka dhacay.
Cusbitaalka degmeda ayaa xaqiijiyay in aaney jirin cid ku geeriyootay weerarka balase waxa jira ilaa shan ruux oo dhaawaca oo la dhayayo.
dhawr maalmood ka hor ayuunbay aheyd markii sadex ka mida ciidamada Booliska Kiiya lagu dilay Liboi.
Xaaladaha amaan ee degaanada Kiinya ee xadka saaran,waxaaney la degeen safaradii dadka tamashluhu ku tegijireen degaanadaasi.
SDN-Wadjeer
contact@somalidiasporanews.com