Weerar Khasaare Dhaliyey Oo Shabaabku Ku Qaadeen Deegaano ku Yaalla Gudaha Dalka Kenya
Lamu:Jan,02,2015(SDN/QJ)-Kooxo dablay ah, ayaa galabnimadii shalay weerar gaadmo ah ku qaaday Gawaadhi ciidanka Booliska Kenya leeyihiin oo marayey Waddo u dhaw Deegaanka Milimani Xeebta Lamu.
Wararka, ayaa intaas ku daraya in kooxdu rasaas oodda kaga qaadday Gaadiidkaa, isla-markaana ay khasaare nafeed gaadhsiisay cidankii Gawaadhida saarnaa.
Ugu yaraan Saddex askari, ayaa lagu soo warramayaa inuu dhaawac culusi soo gaadhay, waxana ay is rasaasayntu socotay Muddo saacado ah kahor intii aanay ciidamo gurmad ahi soo gaadhin goobta.
Taliyaha booliska Lamu, Mr Kiura ayaa warbaahinta u xaqiijiayay weerarka lala eegtay gaadiidka ay lahaayeen ciidanka difaaca dalka Kenya, waxana uu xaqiijiyay qasaaraha seddexda askari.
Dableyda geystaya weerarka ayaa ka baxsatay goobta ayadoo ay soo gaadheen gaadiid badan oo ah kuwa booliska ka ag dhowaa wadada uu weerarka ka dhacay waxana la xaqiijiyay in uu socdo baadhitaan ku saleysan halka ay u baxsadeen ragga weerarka Geystay.
Waa weerarkii koowaad ee ka dhaca gudaha dalka Kenya tan iyo curashada sanadka cusub oo hadda laba maalin jirsaday.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com