Weerar Kale Oo Xalay Lagu Qaaday Gudaha Dalka Kenya iyo Khasaaaraha Ka Dhashay
Lamu:July,08,2014(SDN/QJ)-Niman Hubaysan ayaa Habeenimadii Xalay Mar kale weerar gaadmo ah ku qaaday Goobo ka tirsan Deegaanka Lamu ee Xeebta Kenya.
Kooxdan ayaa gubtay Xafiisyo halkaas ku yaallay iyo Gaadiid tiro badan oo Goobta yaallay, sida uu saaka daabacay Wargeyska Daily Nation eek a soo baxa Dalka Kenya.
Sidoo kale waxay Gubeen Goobo lagu Xafiisyo keyd ahaa oo ku yaalla Xerada Miihoi oo ku taalla Mpeketoni iyo Hindi dhexdooda.
Nin ka mid ah Madaxda Goobahan la gubay ayaa sheegay inaanu weerarkaasi keenin wax khasaare nafeed ah oo uu kaliya ku koobnaa Khasaare maaliyadeed oo kaliya.
Waxa uu masuulkaasi sheegay in laba Askari oo halkaas ilaalinayey ay dhinaca keyna u baxsadeen xiliigii uu weerarku socday, isla-markaana aanay kooxihii halkaas soo weeraray halkaas ka helin wax cid ah.
Weerarkan ayaa imanaya laba maalmood ka dib markii koox hubaysani ay ku dhawaan Soddonn qof ku dishay Lamu iyo Gobolka kale ee Tana Riva.
Xukuumadda Kenya ayaa cadaadis xooggan kala kulmaysa Kooxaha Alshabaab oo ballan ku qaaday inaanay joojin doonin weerarrada ay ku hayaan Dalka Kenya ilaa ciidamada Kenyaanka ahi ka Baxayaan Somalia.
SDN/QJ