Weerar Cusub Oo Xalay Laga Fuliyey Gudaha Kenya iyo Tirada Dhimashada
Mombasa:July,21,2014(SDN/QJ)-Magaalada Dalxiiska loo tago ee Mombassa, ayaa waxa Xalay ka Dhacay Dilal Loo Geystay Dad Shacab ah, kadib markii ay Kooxo Hubaysani weerareen.
Sida ay sheegayaan wararka halkaas laga Helayaa, waxa weerarka geystay Tiro Rag ah oo Hubaysnaa, kuwaas oo Saarnaa Mooto dheeranaysay, iyagoo Halkaas ku dilay Dad tiradooda lagu sheegay ilaa 4-qof, halka ay tiro kalena ka dhaawaceen.
Booliska ayaa u sheegay warbaahin deegaanka ku taala in kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen goob dadkaasi ay ku sugnaayeen taasi oo sababtay dhimashada afar ruux iyo dhaawaca dad kale.
Peter Musyoki, oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inuu arkayay markii toogashada ay dhaceysay, isagoo sheegay in laba ruux oo wajiyada duubtay ay bastoolado ku dileen dadkaasi.
“Waxaan arkay laba ruux oo xidhnaa dhar madow iyo gaduud ahaa oo madaxa kusoo xidhay waxay lugeynayeen waxayna toogasho kula dhaqaaqayeen qof walbaa oo ay arkaan”sidaasi ayuu yidhi goob joogaha.
Wakaalada wararka Reuters ayaa baahisay in kooxaha hubeysan ay sidoo kale sheegayeen in weerarku la xidhiidho weerarkii bishii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Mpeketoni oo 300 km waqooyi kaga beegan magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Inka badan 60 ruux ayaa laba maalin loogu dilay bishii June, waxaana madaxweynaha dalkaasi uu ku sheegay inay ka dambeeyaan shabakado siyaasadeed oo ka dhisan dalkaasi.
Dadka dhintay badankood ayaa la sheegayaa inay isku reer yihiin madaxweynaha dalka Kenya oo kasoo jeeda qabaa’ilka Kikuyaha la yidhaahdo.
Rabshada deegaanka Xeebta Kenya ayaa u muuqda kuwo gacanta ka sii baxaya, waxana ay Xukuumaddu shalay ku dhawaaqday inay Deegaankaas Saartay Bandow muddo bil ah soccon doona, kaas oo khaas u ah deegaankaas cabsidu ka jirto.
SDN/QJ
Contact@somalidiaporanews.com