“Way isku Xidhan Yihiin Amaanka Somalia iyo Itoobiya” Madaxweynaha Maamul Goboleedka Gal Mudug DHAGAYSO
JigJiga, 04.May 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusseen Guuleed, ayaa sheegay in amaanka Soomaaliya iyo Itoobiya ay is ku xiran yihiin islamarkaana ladoonayo in laga wada shaqeeyo Amaanka guud.
C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa Waxa uu tusaale u soo qaatay xuduuda ay wadaagaan Itoobiya iyo Galmudug hadii ay colaad halkaasi ka bilaabato in amaanka Itoobiya uu qal qal galayo.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay in labada dhinac ay ka wada shaqeeyaan amniga cid kastoo amaanka qal qal galinaya tilaabo laga qaado.
Hadalkan madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo beegmaya xili ay wadaan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Galmudug dadalo lagu doonayo in lagu joojiyo colaado dhexmaraysa ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo maamul gobaleedka Galmudug.