|

Waxyaabihii Saaka Ku Cusbaa Fadhigii Baaqday Ee Golaha Wakiillada Somaliland Sawiro

Hargeysa:08-Feb-2014(SDN)- Kulankii maanta ee Golaha Wakiilada oo Hakaday, ayaa lahaa Xiiso gaar ah, waxana ka Dhacay waxyaabo aan hore loogu arag.

sooWaxyaabaha ugu xiisaha badnaa ee Kulankani Huwanaa ayaa wax aka mid ahaa inay Taariikhda markii ugu horraysay Labada Guddoomkye kU xigeen Fadhiisteen Goobta Loogu Tallo Galay Xildhibaanada kale ee caadiga ah, iyagoo diiday inay Fadhiistaan Goobta loo calaamadiyey oo Magacu ugu qoran yahay.

Labada Guddoomiye ee kala ah Cali Yuusuf iyo Baashe Maxamed Faarax ayaa iska fadhiistay Kuraasta caadiga ah, waxana si Badheedh ah u  dhaafeen Goobaha sida gaarka ah loogu talo galay oo ka duwan mesha ay saaka Fadhiyeen.

Guddoomiye Cirro oo isagu aan haba yaraatee Wax Hadal ah la wadaagin labadiisa Guddoomiye aayaan isaguna qaadin wax tallaabo ah oo Guddoomiyayaasha goobtooda lagu fadhiisiinayo  waxana uu kaligii iska Fadhiistay Goobtiisa ay ku Qoran tahay Guddoomiye.

Sidoo kale waxyaabaha xiisaha lahaa ee Halkaasi lagu arkay ayaa ahaa inn xildhibaanadii caanka ku ahaa Guulwadayntu ay gebi ahaanab ka baaqsadeen Soo Dhaweynta Madaxweynaha oo  saaka Imanayey, waxana ay iyadoo Difaacaya Dardaarankii xalay Madaxtooyada laga soo siiyey ay Ku sugnaayeen Goobta codka laga Filayey, balse sidii la rabay waxba u ma ay dhicin.

Sidoo kale Guddoomiye Cirro ayaa saaka u  ekaa nin laga Gacan Sarreeyo, isagoo farxay markii uu Shirguddoonka Guurtidu soo Galay Goobta, waxana uu ka Hor intii aan Mudanayaasha la weydiinin fikirkooda ku Aadan soo Jeedinta Guurtida uu kaligi xidhay fadhigii isagoo ku dhawaaqay inuu Fadhigu xidhan yahay.

soo6 soo5 soo4 soo3 soo2 soo1

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed