Waxgaradka Iyo Madaxdhaqameedka Bariga Sanaag Oo Eedo Dusha Ka Saaray Wasiirka Gaashaandhiga Iyagoo Ku Tilmaamay Inaanu Metelin Deegaankooda DAAWO
Hargaysa 10.Oct 2015 (SDN/QJ)-Waxgarad ka soo Jeeda Sanaag bari oo Shir saxaafadeed Hargaysa Maanta Ku qabtay ayaa Sheegay inaanu Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Caddami aanu Metelin deegaankooda.
Waxgaradkan Maanta Shirka isugu yimi ayaa sida Fiinta Uga Qayliyay Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo mudooyinkii u danbeeyeyba Khilaaf Xoogani ka dhex Aloosna kaasi oo isu bedelay Wejiyo Kala taabacsan Cida Isu Aragta Inay Dan u yihiin Horumarinta Deegaamada Gobolka Badhan ee Somaliland,iyasdoo bulshada deegaamadaasi ka danbeeyaan gobolada kale ee dalka Haday Noqoto Dhinacyada Horumarinta Caafimaadka,Biyaha,
Waxa ay sheegeen inay hore Arintan ugu Gudbiyeen Madaxweynaha Somalialnd isla markaana Ay hada ka fursan wayday inay bulshada reer Somaliland usoo bandhigaan Arintani,iyagoo taasi bedelkeeda ku sheegay inay ku doonayaan Sidii bulshada iyo deegaamadaasi u heli lahaayeen Baahiyaha Aasaasiga ah ee Loo Baahan Yahay.