Waxgaradka Iyo Madax-dhaqameedka G.Sanaag Oo Si Adag Uga Hadlay Qorshe Xukuumadda KULMIYE Ku Doonayso Inay Guriga Kaga Saarto Qoyska Gudoomiyihii Hore Ee Baanka Somaliland DAAWO
Hargaysa 13. May 2017 (SDN/QJ):-Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka gobolka Sanaag oo maanta warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magaalada Ceerigaabo ayaa kulan ay maanta iskugu yimaadeen waxay si adag uga hadleen qorshe ay xukuumaddu ku doonayso inay guriga kaga saarto qoyska gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland ee geeriyooday Cabdiraxmaan Ducaale Daanbir.
Waxaana ay madax-dhaqameedkani sheegeen inaanay marnaba aqbalayn qorshe ay xukuumaddu damacsan tahay oo ay sheegeen in ay xubno gaar ahi wataan.