Waxgaradka degmeda Sabo wanaag oo maanta lacago ugu yaboohay horumarka degmedaas
Hargeysa Mar 12,2012(SDN)-Shir ay ka qayb galeen Mas’uuliyiin,Ganacsato,iyo Waxgarad ka soo jeeda degmada Sabo wanaag ayaa Maanta lagu qabtay huteelka Kaah ee Caasimada Hargaysa kaas oo lagaga hadlayay horumarinta degmadaas isla markaana lagu uruuriyay qaadhaan lacageed oo kor u dhaafaya Boqol kun oo dollar.
Shirkan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga Mudane C,laahi Jaamaca Cismaan Geel jire , Cali Maxamed Warancade oo ka mid ah Madaxda Xisbiga Udub siyaasiyiin, ganacsato, culimo iyo oday dhaqameedyo. halkaas oo ay ka hadleen dad badan, waxaa kamid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay: wasiirka kallumaysiga, md. c/laahi cismaan jaamac geeljire, wasiirkii hore ee duulista iyo hawada md. cali max ed warancade, ganacsade c/laahi carab, ganacsade maxamed baarjeex, ganacsade maxamed shukri, xoghayaha dawlada hoose mowliid ahmed waris iyo rag kale oo tiro badan oo dhallinyaro u badan oo dhamaantoodba ku dheeraday sida ay daruuriga u tahay in laga wada shaqeeyo wax kasta oo taabanaya horumarinta degmada iyo kor u qaadka adeegyada bulshada .
shirkaas oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Taban taabo waxaa lagu ururiyay lacag kor u dhaafaysa $100,000, oo wax lagaga qaban doono horumarinta waxbarasha ee dagmada ay ka soo jeedaan dadkani ee sabowanaag.
SDN-Hargeysa