|

Waxgaradka Degaanka War-Cibraan oo ka fal celiyay Mashaariic la sheegay in Xukuumadu ka fulineyso Degmedooda

London Mar 29,2014(SDN)-Waxgarad ka soo jeeda degaanka War-Cibraan oo daalacday qoraal dhawaan ku soo baxay bogan qurbejoog.com ayaa ka waramay cida fulineysa mashaariicda horumarineed ee halkaas haatan la dhagax dhigay mudo sadex sano iyo badh ka dib kolkii talada dalka uu la wareegay madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Waxgaradka ayaa ka waramay in dadka degaanka oo isu tegay ay inta badan iskood u maalgeliyeen mashaariicda halkaasi haatan la dhagax dhigay.

War-Cibraan ayaa degaan ahaan hore dawladihii isaga danbeeyay ee talada dalka ku lahaa masuuliyiin Golleyaasha kala duwan ee qaranka ku metela,halka xukuumada haatan aaney ka mid aheyn cid ka turjunta sedka ay ka mudan yihiin Qaranka Somaliland.

Wasiirada Xukuumada ee uu weheliyo Baashe Cawil oo degaankaa oo xidid la ah madaxtooyada Somaliland ee haatan hirgelinta Mashaariic ay ka mid yihiin Dugsi waxbarasho,xarun Police ee degmedu yeelato markii u horeysay iyo xaruun lagu xanaaneeyo hooyada iyo dhalaanka u tegay Wer-Cibran ayaan marnaba loo turjumi kareyn sad bursi.

Bacdamaa ay curinta iyo maalgelinta inta badan ee Mashaariicdan ay lahaayeen dadka degaanka ee dalka gudihiisa iyo dibediisa ku sugan.

Dadka Degaanka War-Cibraan oo aan hore looga baran muujinta mucaaridada awgeed ayaa dhic kareysa in reer Somaliland ay u fasirtaan muxaafidnimo iyo ku qanacsanaan helida xuquuqdoodii degaan,sidaasina ka fog xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta War-Cibraan,sida ay sheegeen dadka degaanka.

Ugu danbeyntiina Dadka degaanka War-cibraan ayaa iska fogeeyay in wax sad bursi ah daaye aaney xuquuqdoodii ka helin xukuumada Somaliland ee dalka ka talisa isla markaana ay iyagu iibiyeen gaariga Police ee degmedu haatan yeelaneyso.

 

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed