|

Waxgarad iyo Aqoon yahano Taageeray Golaha Wada Tashiga soona Bandhigay Qodobo ay Xukuumadu dhinac martay {DHAGAYSO}

Hargaysa 29.July (SDN) Xubno ka Mid ah Waxgaradka iyo Aqoon yahanka Magaalada Hargaysa ayaa si Buuxda u Taageeray Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ee Caasimada Hargaysa lagaga dhawaaqay.

Waxgaradkan ayaa Sheegay in Xukuumada Somaliland uu Golaha Wada Tashigu u soo bandhigay Fikrado Wax ka Tari kara Caqabadaha Wadanka ka Taagan isla markaana Wixii Nasteexada u ahaa ay u aragtay Arrin lagu Mijaxaabinayo qaranka waxaa kale oo ay Aqoon yahanadani Sheegeen in Dawlada Madaxweyne Siilaanyo ay Kor u qaaday Nidaamka Qabyaaladeed ee la rabo in Shacabku ka Koraan.

Xubnaha Madashaas ka hadlay Waxaa ka Mid ahaa Aqoonyahan Axmed Sandoon, aqoonyahan Xasan Jaamac Bacad, Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay aqoonyahano kale oo aad u tiro badan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen prof. Axmed As-hari,  Aqoonyahan Maxmed Yoonis Cubeed, Cabdikarin Baande, Axmed Odowaa Cigaal iyo qaar kale oo farabadan.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Wadatashihar(1).mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed