“Waxba yaan la isu qarqarin ma Ogola Caalamku inaynu Dawlad Noqono” Xaaji Cabdi Waraabe DAAWO
Hargaysa 24.May 2015 (SDN/QJ)- Mudane Xaaji Cabdikariin Xuseen Cabdi Waraabe oo ah Odayga ugu da’da weyn ee Aqalka Guurtida Somaliland ayaa sheegay inaanu Caalamku ogolayn in Somaliland noqoto dawlad xor ah.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay Xaaji Cabdikariin Xuseen Wada hadalada u socda Xukuumada Somaliland iyo Xisbiyada qaranka ee ka dhashay Mudo kordhintii uu Golaha uu ka tirsan Yahay ee Guurtidu u sameeyeen Xukuumada iyo Golaha Wakiilada Waxaanu ku dooday inaan Go’aankii Guurtida wax laga badali Karin .