|

“Waxba diidi Maayaan Sidii Bahal WalWaalkii “ Golaha Wakiilada iyo Ansixinta Xeerarka,Aragtida Siilaanyo ee Xiligii Mucaaridka {Faalada Shabakada}

Hargaysa 24.Sep 2013 (SDN)- Waa Gole ku Yimid codka rabitaanka Bulshada Somaliland kuna soo baxay doorashadii dabayaaqadii Sannadkii 2005-tii ka qabsoontay Somaliland, Waxay ka soo kala baxeen Sadex Xisbi oo kala ahaa Udub oo haatan Saaxada ka baxay,Ucid iyo Waddani oo ku soo biiray Miidaanka Siyaasada Somaliland kana dhashay Khilaaf ka dhex curtay Xisbiga Ucid .

Golaha Wakiilada SaxXisbiga Kulmiye Markii ahaa Mucaaridka Hogaamiyihiisa oo haatan ah Madaxweynaha Somaliland Mudane  Siilaanyo iyo Xisbigiisuba waxay meel adag iska taageen Khidmadii ay Xukuumadii Rayaale ku Kordhisay Xoolaha kadib markii Xayiraadii laga qaaday inaga saarnayd dalka Sucuudiga, AYaamaha ay dooda adag ka dhex taagnayd Golaha Wakiilada waxa uu Madaxweyne Siilaanyo oo markaas ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu barxada hore ee Dhismaha Baarlamanka warbaahinta kula hadlay isagoo tilmaamay sida ay uga xun yihiin in  Xoolaha oo ah Laf dhabarta dhaqaale ee dalkeena cashuurtooda la Kordhiyo waxa uu ku tawaawacay in arrintaasi ay dhiig bax ku tahay dhaqaalaha dalka “Xaqiiqdii waxaan Maanta qirsanahay in dalku uu ku sii socdo xaalad aan loo adkaysan Karin,waxaynu arkaynaa in marka wax kale oo dhan laga tagay ay Xukuumadu u soo dhigatay Xoolihii ka baxayay Marsada Berbera taasi waxay keenaysaa in Ganacsatadu ay ka wareegaan dekeda berbera una wareegaan dekedaha jaarka ah”.

Waxa uu Mudane Siilaanyo Canaan ku dul tuuray Golaha Wakiilada iyo Guurtida oo uu sheegay inaanay Shacabkii soo doortay sidii la rabay ugu adeegin “Waxaa kale oo Muuqata in Golaha Wakiilada iyo Guurtida oo ah dabarka Xukuumadu inaanay rabitaanka ummadooda Tixgelin balse ay mar walba door bidaan halkii uu dhaameel ku jiro waad aragtaan saxaafada hadaad tihiin in Xildhibaanadu markay codka ka baxaan ay isku shubaan Madaxtooyada si ay waxoogaa dhaqaale ah uga soo qaataan taasina ma ah mid ina wadaysa, Wadankuna aqoonsi ku helayo” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo markaas ahaa Gudoomiyihii Xisbigii Kulmiye.

Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu ku taliyay arrin Mucaaridnimo oo uu xaq u lahaa inkastoo weedhaha la adeegsanayo ay kala qurux badnaan lahaayeen Tusaale ahaan aynu ka ka dagaalano waxaa ka haboon aynu ku Mudaharaadno “Anagu hadii aanu Kulmiye nahay waxaanu qabnaa inaan sidaas dalka lagu sii eegin markaas waa in Ummadu kacdaa oo ka dagaalantaa oo anagu yeeli mayno” ayuu yidhi.

Sadex sanno iyo sii raac kadib waxaa majaraha wadanka qabtay Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa Madaxweyne Siilaanyo iyo dawladiisuba ay raaceen dariiqii uu maalintaas iyo maalmo kale oo amranaba uu ka qaylinayay Waxa uu Golaha Wakiilada oo haatan Mudo kordhin xal ah ku fadhiya u Gudbiyay Xeerar ka hor imanaya Maslaxada dalka waxaa ka mid ah Xeerarka Takaaliifta amniga Madaarada oo 10 dollar laga rabo cidii ka soo degaysa madaarada dalka ku ajburaysa inay bixiyaan Takaaliif dhan 10 Dollar,Iyadoo isweydiintu tahay Xukuumada miyaanay xilkeeda ahayn inay Amniga Madaarada Mas’uuliyadi ka saarnayn,kaas oo Golaha Wakiilada ee u idman Xukuumaduna ay durduro ku meel mariyeen.

Waxaa kale oo la yaab leh in Xukuumadu mar kale Golaha Wakiilada u soo Gudbisay Xeer ay ku sheegtay Takaaliifta horumarinta wadooyinka waa shaki la’aan in dalkeena ay dhibaato ka haysato dhinaca wadooyinka waa xaqiiq inay arrintaasi u baahan tahay dhaqaale aad u badan waxaa Mudo dhawr sanno ah la dhamayn la’yahay wadada isku xidha Dila iyo boorama,Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo waxay xeerkan kaga dhex ololaysay in cidii ka hortimaada ay ka soo hor jeedo wadada uu dhawaan dhagax dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee isku xidhi doonta Gobolka Togdheer iyo Sanaag oo ku dhow afar boqol oo Km isla markaana qaadanaysa Mudo aad u dheer .

Marka dib loo daalacdo doodihii Mudanayaashii ka qayb qaatay dooda xeerkan waxay kala taagnaayeen kaaf iyo kala dheeri waxay wax ka hilaadinayeen Meelo kala durugsan waxay kuwa diidanaa ku durayeen dawlada inay cashuur hor leh ku kordhiso Xoolaha iyo Gaadiidka oo markii horeba la il darnaa Cashuuraha aan loo Miidaam dayin ee lagu soo roaay iyagoo taas badalkeeda sheegay in loo baahan yahay in waxyaabaha aan daruuriyaadka ahayn sida qaadka,agabka sharaxaada guryaha iyo wixii la hal maala lagu soo rogo cashuur uu goluhu xalaaleeyo.

Waxay Maalmahan u Muuqdeen Golaha Wakiiladu kuwa Gudanaya waajibaadka ka saaran dadka ay matalaan, Si kastaba ah ahaatee waxay maanta fuliyeen Mashruuc sharci oo Xukuumada u adeegaya iyadoo laga dareemayo weedhaha uu madaxweyne siilaanyo u adeegsaday xiligii uu mucaaridka ahaa ee ah “Waxaa kale oo Muuqata in Golaha Wakiilada iyo Guurtida oo ah dabarka Xukuumadu inaanay rabitaanka ummadooda Tixgelin”.

Ma la Odhan karaa Wedkana waxaa ka Weyn Garashadoo laga Wafaadaaye,Waxba diidi maayaan sidii bahal walwaalkii.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog. com

Comments are closed