|

“Waxay soo dhaafeen XAMAR waxaynu isku haynay, anigaa dadkayga ka tashanaya, maanta waxay gaadheen dhuuntaada waxa maraya ayaan qabanayaa, oo aan mari Karin”Muuse Biixi Cabdi DAAWO

Hargaysa 28.Dec 2015 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyey dawlada Soomaaliya ay is-hortaagtay Mashruuca balaadhinta Dekedda Berbera ee BERBERE Corridor,kadib markii ay is-hortaagtay shir dhaqaale loogu uruurinayay oo toddobaadkan ka dhacayay Yurub.

Muuse Biixi waxa uu sidaaa ku sheegay Xaflad ay Jaamacadda Hargeysa kaga qalin-jebiyeen 75 Arday oo shahaadada labaad ee Master Degree-ga ku diyaariyey Aqoonta Dublamaasiyada iyo xidhiidhka Caalamiga ah.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu yidhi “Toddobaadkan shir ayaa ka socday Yurub, oo ay dalal baddani isugu tageen, waxaanay doonayeen inay dhaqaale ugu uruuriyaan Mashruuca Berbera Corridor oo ah sidii ay u hirgeli lahayd inay dekeda Berbera la balaadhiyo, in gaadiid tareen iyo waddo ah loogu sameeyo oo ku xidha dalka Ethiopia.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Dawlada Soomaaliya arrintaas si cad ayay isku hortaageen oo waxay leeyihiin annaga oo ogolaana mooyaane la dhisi-maayo. Markaa, waxay soo dhaafeen XAMAR waxaynu isku haynay, anigaa dadkayga ka tashanaya, maanta waxay gaadheen dhuuntaada waxa maraya ayaan qabanayaa, oo aan mari Karin.”

Comments are closed