|

‘’Kolba Ninka ay Madaxweynaha Ilmaadeerka Yihiin ayaa Awoodii Qaranka Sida uu Doono ugu Takri-falaya,Mas’uuliyiinta Berberina Reernimo ayay ku Diideen Maareeyaha oo Ciise Muuse ayaanu Nahay ayay Yidhaahdeen’’ Wasiirka Biyaha Somaliland DAAWO

Hargaysa 30. November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac Oo Warbaahinta Kula Hadley Xafiiskiisa Ayaa Waxaa Uu Qirey Inuu Shaqo Ka Joojin Ku Sameeyey Agaamisaha Guud Wasaarada .

Wasiirku Waxaa Kale oo uu Soo Bandhigay Fadeexado Lidi ku ah Nidaamka iyo Kala danbaynta Maamul oo ay ku Kacayaan Mas’uuliyiin La Hayb ah Madaxweyne Siilaanyo Isagoo Sidoo Kalena Cadeeyay in Madaxda Degmada Berbera ay Diideen Maareeye Cusub oo uu u Magacaabay Wakaalada Biyaha ee Berbera kaas oo Weliba ka Mid ah Beelaha dega Gobolka Saaxil.

wasiirka-biyaha-baashe-cali-jaamac-1Wasiirka Oo Faahfaahinaya Arimahaasi Ayaa Waxaa Uu Yidhi ‘’Bil Ayaa Laga Joogaa Markii Aan Shaqada Ka Joojiyey Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Agaasimaha Guud Muddo Sideed Iyo Toban Bilood Ah Ayuu Soo Jiitameyey Khilaafkani  Agaasimayaasha Wasaaradda Iyo Madaxda Kale Ee Wasaaradda Wey Ka War Hayaan Macal Wasiirul Dawlaha Wey Ka War Hayaan  Shan Jeer Ayaa Leyskaaya Hor Keenay Wax Alleh Wax Lagu Heshiiyo Isagaa Ka Baxay

 

Kama Danbeystii Wuxuu Gaadhey Anigoo Ka Maqnaa Diwan Galintii Iyo Safaradii Gobolada Bariga Inuu Bajadkii Wasaarada Oo Dhan Ku Talo Galo Inuu Rido  Waxaa Jira Riig Madax Weynuhu Dhagax Dhigey Oo Uu Bajadka Dawlada Ku Saxeeexay Inuu Ku Yidhi Wasiirku.

 

Ninkii Qandaraas Lahaa Waxaan Doonayaa Inaan Bajadka Riddo Isaga Oon Iga Fasax Qaadan Ayuu Iska Aadey Neyroobi Iyada Oo Shaqo Badani Wasaarada U Taalo Cidna Waxba U Sheegin Cidna Aanu Kaga Tagin Xilka Waxay Noqtey Inay Shaqadii Wasaaradu Istaagto Dabadeedna Waxay Noqotey Inan Shaqadii Ka Joojiyo Inta Uu Madaxweynuhu Cid U Soo Magacaabayo  Waxaanan U Sii Magacaabey Agaasime Ka Mid Ah Ragii Madaxda Wasaarada Ka Mid Ah Oo Aan Agaasimaha Guud Oo ku Meel Gaadhka Ah Aan Uu sii Magacaabey Si Aaney Saxeexyadii Iyo Abaartu Isku Taagin Neyroobi Ayuu Iska Aadey Hayado Ayuu Iska Doontey Waxaa Uu Bilaabey Inuu Iska uGaadhsado Oo Aanu Ka Soo Xaadirin Xafiiskiisa Oo Uu Hotelada Ku Maxaafsado Gaalkii Yimaada Iyo Hayadii Timadaba Uu Meelahaasi Ku Badho Waxaa Uu Gaadhey Wax Kasta Oo Aan Loo Dul Qaadan Karin Inuu Sameeyo Dadku Waxay Leeyihiin Reernimo Ayuu Isku Haleynayaa Oo Maaha Nin Aamin San In Lakala Sareeyo  Oon Anagu Ahay Wasiir Waxaabu Ii Arkaa Nin Yaa Ehelu Nabi Ayey Snm Tu Tidhaahdaa  Oo Aanan Wasaarada Xukumin Waxaa Kale Oo Taasi Oo Kale Sameeyey Maareeyahaa Wakalada Biyaha Barbera  Maayirka Barbera Mid Waliba Amarkeyga Iyo Wassaradeyda Wuu Diidey Markaa Waxay Ila Tahay Ama Waxay Noqon Doonaan  Inay Wasiiro Dadka U Sinaadaan Ama Waxay Noqon Doontaa Kolba Ninka Ay Madaxweyaha Isku Qolada Yihiin Uu Siduu Doono Hantida Qaranka Ugu Tagri Falo

 

Masuuliyiinta Bebera Reer Nimey ku Diideen  Oo Ciise Muuse Ayaanu Nahay Ayey Yidhaahdeen (Maareeyaha Cusub ee Wakaalada Biyaha Berbera oo uu Wasiirku Magacaabay)  Oo Anaga Magaalada Leh Oo Amarkana Mar Hadaan Dawladnimo Jirin Oo Aan Cid Kala Amar Qaadneynin’’

Comments are closed