|

“Waxay keeni kartaa hanaankii dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka hanno-qaaday inay fashilmaan” Gudoomiyaha Garabka Haweenka Waddani ee Waqooyiga America

Dubai 18.July 2016 (SDN/QJ):-  Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI ee Waqooyi America ahna Safiirka wareega Marwo Suhuur Xasan Abiib,ayaa waxay ka digtay dib-u-dhac markale ku yimaada doorashooyinka Madaxweynanimada oo toddobaadadii ugu danbeeyey la hadal-hayay, isla markaana waxay ka warantay safar shaqo oo ay ku joogto Magaalada Abu Dubai.

 

Suhuur-Xasan-AbiibMarwo Suhuur Xasan Abiib ayaa waxay sheegtay inay Magaalada Abu Dubai ay joogto dardargelinta hawlaha Xisbiga WADDANI, waxaanay tidhi “Waxaan socdaal ku jooga Magaalada Abu Dubai ee isu-taga Imaaraadka Carabta, u-jeedada socdaalkayguna waa dardargelinta hawlaha Xisbiga WADDANI, haddii ILAAHAY yidhaahdo waxaan maalmaha soo socda iman doona Caasimada Somaliland ee Hargeysa…”

“Maalmihii u danbeeyey waxa Warbaahinta Somaliland qoreysay inay dib u dhacayaan doorashooyinka Madaxweynanimada iyo Golaha Wakiillada oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan horaanta sanadka 2017-ka,waxaan ka digayaa inay mar labaad dib-u-dhacdo doorashooyinku, haddii ay dib-u-dhacaan waxay dhaawac Siyaasadeed ku keenaysaa Somaliland…”Ayey tidhi Marwo Suhuur Xasan Abiib oo caawa u waramaysay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

 

“Waxay keeni kartaa hanaankii dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka hanno-qaaday inay fashilmaan,…Waxaanay Somaliland gelin doontaa gadoon Siyaasadeed oo dibadda”Ayey tidhi Marwo Suhuur Xasan Abiib.

Comments are closed