”Waxay Irbad isaga Toleen Afka Kadib Markii ay Hungo kala Kulmeen Safarkii Halisaha badnaa ee Yurub” Waa Qaxootigoo laga xiray Xuduudaha Yurub Oo Xaalkoodu Marayo Meel Naxdin Leh SAWIRO
Oslo 27.Nov 2015 (SDN/QJ):- Qaxooti ka soo jeeda dalalka Siiriya , Ciraaq iyo Iiraan ayaa waxaa la sheegay inay cuntada ka soomeen ka dibna si xun Afka cirbad iskaga toleen ka dib markii lagu celiyay xuduudaha dalalka Giriiga iyo Masdonia .
Qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa xirtay xuduudahooda ka dib Qaraxyadii lagu qaaday magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska halkaasoo ragii Qarxiyay ay qaarkood ku soo galeen dalalka Yurub Qaxooti ahaan waliba ay soo dirsatay kooxda Daacish .
Dadka afka cirbada iskaga tolay ayaa waxeey u badan yihiin Qaxooti ka soo jeeda dalka Iiraan kuwaas oo sheegay in la dili doono hadii lagu celiyo wadanka Iiraan waxaana jira Qaxooti kale oo iyana afka Cirbad iskaga tolay kana soo haajiray wadamada Ciraaq iyo Siiriya .