“Waxay ila tahay in weerarkaas uu ahaa mid ku yimi habacsanaan ka jirta dhinaca amniga dowladda Soomaaliya iyo kuwa sirdoonka” Gudoomiye Ilka Xanaf
Muqdisho 23.Feb 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliya Caydiid Cabdiaahi Ilko-xanaf, ayaa sheegay in weerarradii ka dhacay Hoteelka Central ee magaalada Muqdisho ay ku yimaadeen sababao la xidhiidha habacsanaanta laamaha amniga iyo hay’adaha sirdoonka dowladda Somalia.
Ilko-xanaf ayaa tilmaamay inay liitaan xogta ay dowladda Soomaaliya ay ka hesho weerarrada soo wajahan iyo baaritaannada ay ku samayso falalka ka dhaca Muqdisho looga hortagayo.
“Waxay ila tahay in weerarkaas uu ahaa mid ku yimi habacsanaan ka jirta dhinaca amniga dowladda Soomaaliya iyo kuwa sirdoonka, oo aan u muuqan inay heli karaan xogta ku saabsan weerarrada ay soo qaadayso Xarakada Al-shabaab.” ayuu ku sheegay Ilko-xanaf hadal uu warbaahinta siiyay.
Sidoo kale Caydiid Ilko-xanaf ayaa labada arrimood ee uu dhaliilay ciidammada amniga iyo kuwa sirdoonka dalka ku sheegay tiirarka ugu muhiimsan ee lagu sugi karo nabadgalyada, waxaanu soo jeediyay in la adkeeyo hay’adahan.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa booqday dhaawacyadii ka dhashay weerarradii is-miidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdisho.
Weerarkaas ayaa waxaa sheegtay masuuliyaddiisa Xarakada Al-shbaaab ee Somalia oo sheegay inay ku dileen masuuliyiin ka tirsan dowladda Somalia, iyadoo la sheegay in weerarkaas ay fuliyeen laba ruux oo Soomaali ah kana yimid dalka Holland.
Muqdisho SDN/QJ soomaali