|

“Waxay ila tahay Dalalkuna Abtirsiimo kuma dhisna. Xoriyad ayay leeyihiin, Xad bay leeyihiin” Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo Fariin u diray Madaxweyne Gaas

Hargaysa 24.March 2014 (SDN)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan Nuur)  ayaa Maamulka Puntland u soo jeediyey inay ilaaliyaan nabad galyada islamarkaana aanay guluf Colaadeed oo aanay Somaliland iyo iyaguba u baahnayn qalqaalin.

saleebaan gaal sax“Madaxwaynaha Maamulka Puntland waxaan leeyahay aan nabad ku wada noolaano. Umadda Soomaalida ahi ciday doonto, Dal ahaan ha ku abtirsatee way kala nabad gashaa, ha noo Bilaabin isku dhac ayaan leeyahay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Guurtida Somaliland.

Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in degaanka Madaxweyne Siraanyo bookhday ka tirsan yahay Somaliland “ Degaannadan Madaxweynuhu Soo maray, dee waa degaanno Somaliland ah. Waxay ila tahay Dalalkuna Abtirsiimo kuma dhisna. Xoriyad ayay leeyihiin, Xad bay leeyihiin, taariikh hore ayay leeyihiin. Annagu waxaanu kugula talinaynaa inaanay Somaliland-na Rabaq-rabaq iyo Ciidamo ay dhaqdhaqaajiso u baahnayn, Adna kaba sii taag darid. Aan Nabad galyo ku wada noolaano.” Ayuu yidhi Saleebaan Nuur.

Hadalka Gudoomiyaha Guurtida ayaa daba socda dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Gobolada Bariga Somaliland ka dib Bookhashadii Madaxweyne Siraanyo ku tagay Laas-qoray oo Maamulka Puntland ku tilmaamay inay xuduudooda ku xad gudubtay Somaliland. Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa dhawaan sheegay in Puntland ciidan soo dhoobtay degaanada ku teedsan Barriga islamarkaana ay Dhaqaaq Milatari halkaasi ka bilaabeen labada dhinacba.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed