|

“Waxanu Markhaatiga weydiinaynaa Bulshada Caddaalada Taqaanna Laakiin Dhega-gaale iyo Dad ku cadanyooda Horumarka Waddanka waxba ka weydiin mayno.”Wasiirka Duulista Hawada.

Hargeysa:May,29,2015(SDN/QJ)-Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Axmed, ayaa si weyn ugu faanay Waxqabad uu sheegay inuu ka muujiyey Wasaaradda uu masuulka ka yahay, gaar ahaanna Dhismayaal iyo casriyey uu sheegay inuu Garoonka Cigaal International ka muujiyey.

wasiirka-duulista-hawada-maxamuud-xaashiWasiirka oo ka Hadlay madal uu madaxweynuhu xadhigga kaga jarayey mashaariic cusub oo uu madaxweynuhu xadhiga ka jarayey, ayaa si weyn uga damqaday xaqiraad iyo yasid uu muujiyey in Waxqabadkiisa lala daba socdo, waxana uu sheegay in isxaqiraaddu aanay ahayn dhaqanka dadka Gobta ah.

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay inaan waxqabadkiisu ahayn mid la qarin karo, isla-markaana uu yahay Guul heer qaran gaadhsiisan oo inaan lala masuugin mudan,“Tigaadi iyadaa laacda Baa la yidhi, buun-buuni-nna Mayno, beenna ka sheegi mayno waase waxqabad muuqda oo aanu ku tallaabsannay waana Guul qarankeena usoo hoyatay, umadda Gobta ahina waxa wanaagsan ee uqabsooma way ku faantaa, wayna ka mahadcelisaa mana nashuushadayso.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay inaanay fiicnayn in horumarka la iska nashuushadeeyaa, isagoo tilmaamay inay jiraan Xubno uu sheegay inay cayda Garoonka Cigaal in badan ku talax tageen, kuwaas oo uu sheegay inaanu jawaab siinaynin, waxana uu yidhi,“waa Garaad-xumi iyo bisayl la’aan in waxa wanaagsan ee kuu qabsoomay aad nashuushadaysaa, waar siyaasadda raggu waa qaybsan yahay qolqollana waa ku kala jiraa, waa la loollamaa, waa la isxarakeeyaa laakiin Taariikhda iyo Nolosha lagama been Sheego, wixii ingiriis dhisay baynu ka been sheegi weynay in laga been sheego waxa qabsoomana ma aha.Rag waaweyn oo magac waaweyn leh ayaa Garoonkan caayey waxbase ka odhan mayno.”

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu waxqabadkiisa saari doono Kefadda dadka dhexdhexaadka ah ee bislaaday sida uu hadalka u dhigay, waxana uu yidhi,

“waxanu Markhaatiga weydiinaynaa Bulshada Caddaalada Taqaana ee Xilkaska ah iyo siyaasiyiinta Bisil ee xilkaska ah, Laakiin Dhega-gaale iyo Dad ku cadanyooda Horumarka Waddanka waxba ka weydiin mayno.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed