|

“Waxan U tebinayaa Tacsi ay ciddii lahayd ka habsaantay saraakiishii ciidanka qaranka iyo qaraabadii iyo qoysaskii…..”Xildhibaan Qabile

Hargeysa:Sep,20,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Golaha Wakiillada somaliland,  ayaa maanta  xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si kulul ugu canaantay waxka-qabashada Shaqaaqadii Qorilugud iyo rabshadihii shalay ka dhacay Degmada Gabiley.

qabileWaxa uu xildhibaanku xukuumadda ku canaantay sida ay uga gaabisay inay arrintaas dabbaraadeeda shacabka ku qanciso, waxana uu sheegay inaanu xataa Madaxweynuhu tacsi dirin wali,

“Waxan ka xumahay Aamuska ay xukuumaddu Guud ahaan ka  aamustay Dilka dhallinyaradaas saraakiisha ahaa ee indhaha u ahayd ciidanka ilaalinayey jamhuuriyadda Somaliland.” Ayuu yidhi Xildhibaan Qabile.

Waxa uu xildhibaan Qabille sheegay in tallaabadaasi ay niyadda iyo mooraanka ciidanka waxyeelo weyn u geysatay, waxana uu xukuumadda ugu baaqay in waajibkeeda ka gudato,

Xukuumadduna aamuskeedii haddii ay aamus kale kusii darsanayso iyaday u taallaa, laakiin waxa looga fadhiyaa inay keento baadhitaan lagu qanco oo qaranku ku qanco, waxana imanaysa haddii taas oo kale hoos loo dhigo mid kale oo kor loo yidhaahdana ma aha, arrinkaasina waxa uu niyadjab ku keenay ciidanka qaranka Somaliland.” Ayuu yidhi xildhibaanku.

Waxa uu mudane Qabile tilmaamay inay waajib ku ahayd madaxweynaha inuu arrintaas si adag uga Hawlgalo, waxana uu tacsi u daray qaraabadii iyo qarankii ay saraakiishu ka baxeen, waxana uu yidhi,

“Waxan tebinayaa Tacsi ay ciddii lahayd ka habsaantay saraakiishii ciidanka qaranka iyo qaraabadii iyo qoysaskii ay saraakiishaas dhallinyada ahi ka baxeen, waxana cambaarayn mudan tallaabada xukuumaddu kula dhaqantay reer Gabiley, mudaharaadka arrintaas lagaga jawaabayna daw bay ahayd.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed