|

“Waxad Mooddaa uun in sawirkii uu noqday Dawladdii oo Halkii Udub fadhiisatay oo waliba ka Cabban oo ka Gacan Kulul iyo Mucaaridkii oo Halkii Kulmiye Fadhiistay oo Ka Afgaaban oo ka Gacan Qabow.”Xuseen Xoog

Hargeysa:Feb,11,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xuseen Muxumed Maxamuud (Xoog), haatana Kamid ah Saraakiisha Sare ee Xisbiga Waddani, ayaa ka Hadlay Xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu tilmaamay in dhaawac baddani ka jiro Dhinaca Midnimadda Beelaha Somaliland iyo Isku duubnidii ay caanka ku ahaayeen.

zumeMudane Xoog oo la Hadlayey Saxaafadda Madaxa Bannaan, ayaa sheegay wax badani ka dhiman yihiin Heerkii la doonayey in dalka la gaadhsiiyo, waxana uu Hoosta ka Xarriiqay Kala Qoqobnaanta Beelaha Dalka iyo Kala Furfurnaantii Midnimada Shucuubta Dalka,

“meel xunna marimayno runta marka aynu eegno maadaama aynu nahay qaran dhisan oo aamin ah,  haddana sidii la rabay waxba uma wada jiraan oo maanta Goldololooyin way ka muuqdaan Xagga isku wadka dadka iyo midnimadii beelah somaliland, waana laga soo kabban doonaa, wayna arkaynaa in arrinta Awdal wax ka jiraan oo ay xataa Tabashaddaas kusoo gabadaan Dad Dano Gaar ah lihi. Xaggii barina ma dhamaystirna oo waynu ognahay.” Ayuu yidhi Xusen Xoog.

Sidoo kale waxa uu ka Hadlay Warwarka laga qabo qabsoomidda Doorashooyinka Dalka kusoo foolka leh, waxana uu dibu dhacooda wax kasaaray Xeer baarlamaanku anxisyey oo sheegayey doorashada kahor  lix bilood codbixiyayaasha lasii diiwaangeliyo, waxana uu yidhi,

“Sida ay wax u socdaan waxad mooddaa inaanay suurtagal ahayn inay doorashooyinku sidii loogu  talo galay  u dhacaan, sababtoo ah xeerka Baarlamaanku ansixiyey ayaaba fursad siinaya in waxoogaa Dib u dhac ahi dhaco, sababtoo ah waxa uu leeyahay in marka diiwaaangleinta Codbixiyayayaashu dhacdo lix bilood kadib doorashada la qabto, walina may bilaabmin oo waynu ognahay, waxase Muuqata cagojiid badan kadib waxa muuqata inaanay taasi suurtagal ahayn.”

Waxa kale oo uu Xuseen Xoog   ka Hadlay Hadal dhawaan kasoo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo sheegayey in madaxweynaha Mudd-kordhin Beeshiisa u gaar ah loo samayn doono, waxana uu hadalkaas ku tilmaamay mid deelqaaf ah oo aan meesha qabanin,

“Hadalkaa Boqorku(buurmadow) isagaa iska yidhi, waxana uu u egyahay Deelqaaf, beeshuna lama qabto oo beelaha reer Somaliland bay kamid tahay, doorashayna diyaar u tahay, halkay doontaba codka ha siisee Beel tashatay oo go’aansatay in la kordhiyey waxan qabaa inaanay jirin, waxana aynu arkaynay cod kasoo yeedhaya Masuuliyiin kale oo hogaamiyayaal dhaqameed ah ee beesha ah oo sheegaya inaanay arriontaas waxba ka jirin  xaalna ka bixiyey, Boqorkuna waa nin fariid ahe inuu hadalkaas yidhaahdo ma  ay ahayn.”ayuu yidhi Xuseen Xoog.

Mudane Xuseen Xoog waxa uu si gaar ah uga Hadlay Farqiqa u dhexeeya Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Midda Haatan ee Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu carrabka ku dhuftay in kaliya Labada Hoggaan ay u dhexayso Xukuumaddu Noqotay Mid Tii Hore ka Caban oo ka cabudhin Badan, halka ay Mucaaridkuna ka noqdeen qaar kuwii hore ka Qabow oo ka Afgaaban, waxana uu yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya,

“annagu markii aanu Kulmiye ahayn waxanu xukuumaddi hore kaga soo horjeednay inay Cabudhin badan waddo oo ay xorriyatul qawlka kasoo horjeedo oo waxqabadkeedu liito, laakiin haatan waxad moodda in wixii aanu xilligaas ka cabbaynaynay inay kasii darto mooyaane inaan qodobna laga debcin, Haddii ay tahay la macaamilka Saxaafadda iyo wada Lahaanshaha Dawladnimada sida warbaahinta qaranka oo kale, waxana Aad Mooddaa uun in sawirkii uu noqday uun Dawladdii oo Halkii Udub fadhiisatay oo waliba ka Cabban oo ka Gacan Kulul  iyo Mucaaridkii oo Halkii Kulmiye Fadhiistay oo Ka Afgaaban oo ka Gacan Qabow.”

Xuseen Xoog oo wax laga weydiiyey Xidhiidhka uu haatan la leeyahay Madaxweyne Siilaanyo oo ay hore saaxiib u ahaan jireen, ayaa sheegay inuu sharaf iyo karaamo badan u hayo, balse kaliya ay xagga Fikirka ku kala duwan yihiin,

“Madaxweynuhu waa Madaxweynahaygii ixtiraam iyo Sharaf Baana naga dhaxaysa, Haddii aanay danta Qaranku kallifayn inaan ka hor imaaddana kamaan kor imaadeen, laakiin danta qaranka ayuunbaa kalliftay inaanu laba fikradood oo kala duwan kala yeelano maanta.” Ayuu yidhi Xuseen Muxumed Maxamed(xoog).

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed