|

“Waxaanu Xilka uga tagnay inaanu Qiimayno Xisbnimada oo aan Qolanimada iyo Qabyaalada la Qiimayn” Xirsi

xirsiHargeysa,3Nv,2015(QJ/SDN)-“Dad badan ayaa igu yidhi maxaad Madaxweynaha Madaxa uun ugu ruxi wayday oo aad hawshaada hoos isaga waddan wayday! waxaan leeyahay waar anigu Munaafaq ma ihi oo Khaa’in ma ihi oo beenaale ma ihi ee markii aan Madaxweynaha la joogayna waxaan aaminsanahay waan u sheegi jiray imikoon ka tagayna waxaan aaminsanahay uunbaan kaga tagay”

Salaan badan kadib, Illaahay ayaa mahad iyo mudnaan badan leh, waxaan jecelahay inaan kalmado kooban ka sheego; Mawqfika xisbiga kulmiye , xil-ka tagistaydii iyo saadaalinta Mustaqbalka.

Mawqifka Xisbiga
Waxaan u arkaa in xisbigu yahay xisbi la wada leeyahay, dalkana soo hogaamiyey, guulna ku gaadhi kara wada jir iyo midnimo, talladana ku qaban kara dimuqraadiyad iyo tartan ee aan marnaba suurogal ahayn in jujuub iyo afduub ay ku suurto gasho in hogaanka lagu qabto ama tayo iyo macno ku yeesho

Xil-ka-tagistayadii
Waxaa run ah in aan xil iyo xasaanad ka haynay JSL mudo ku dhaw lix sano anagoo intii aan joognayna u gudanay si masuuliyad iyo xilkasnimo leh balse maanta anagaa ka tagnay anagoo xor ah oo aan cidina na qasbayn waxaanu xilkii ka dooranay qadiyada, rabitaanka iyo damiirkayagu wuxuu doonayo oo ah wax loo siman yahay oo ah cadaalad in loo tartamo ee aanay jujuub ku dhicin waxaanu xilka uga tagnay inaanu qiimayno xisbinimada ee aanan qabyaalada iyo qolo-qolada qiimayn, waxaa qiimo nala leh qaranimada ee qolonimadu qiimo nalama leh, waxaa macno nala leh Xisbinimada ee kooxkooxdu qiimo nalama leh.

Waxaa laga yaaba intii aan joogay xukuumada oo imika ku dhaw lix sano ee aan Madaxweynaha la shaqaynayey oo la igu xaman jiray inaan gacantiisa midig ahay oo laga yaabo in la igu xaman jiray in qolo ahaan la I xejiyo, waxaan qaatay go’aanka ah markaan arkay dariiqaa uu ku socdo mustaqbalkii dalka iyo xisbigu oo ah inuu qaybsamo xisbigii oo aan doorasho xor ah aanay dhicin inaan DIIDO oon idhaahdo Suurtogal maaha, oo aan aragtidayda ka jawaabo.

Xaasha! Hunguri ugamaan tagin oo wax dhibaato ah oo la ii gaystay ayaanan uga tagin Xaasha Madaxweynahayga xumaan uu igu sameeyey ugamaan tagin, Madaxweynahayga waanu soo wada shaqaynay xumo uu leeyahay sheegi maayo, lagamana yaabo asraar uu leeyahay iyo wax uu leeyahay toona inaan ka sheego lagama yaabo inaan xajiimeeyo, lagama yaabo inaan wax ka sheego, midnaba mid iga suurowda maaha, waliba saxiibaday waxaan kula kaftamayaa Madaxweynuhu waa Madaxweynaheenii aynu soo wada shaqaynay aniguna hadaan la joogo iyo hadaan ka maqanahayba waa Madaxweyne aanu isku taariikh nahay oo aan in badan lasoo shaqaynayey ma ogoli in wax la yeelo ama carabka lagu xejiyo ee saxiibaday waxaan leeyahay yaanu carabku idinkaga baxsan.
Madaxweynaha iyo Saxiibadayda joogaba isma hayno lakiinse waxaanu ku kalal duwanahay waa aragtida siyaasiga ah isla aragtidaas ayaanu ku kala duwanahay xilkayagiina aanu uga tagnay waanan wadaynaa oo joojin mayno .
Waxaan maqlayey in dhawayd qolo suuqa ka leh Madaxweynihii ayuu Cidlo kaga tagay, waxaan leeyahay “Waar Madaxweynuhu dawladna uu haystaa Raggna uu la joogaa ee Raggana ha caayina Madaxweynahana ha caayina , shaqaale ayaanu u ahayn oo waanu u shaqayn jirnay qarankana waanu adeegi jirnay xilkana maalin uunbaan imid waxaana qornayd in aan maalin uun ka tago maalintan oo kale gaadhideeda iyo go’aankeeduna aniga ayey igu xidhnayd inaan u arko inaan ka tago ama waxay ku xidhnayd in Madaxweynuhu iga maarmo ee Madaxweynaha iyo ragga la shaqaynaya ha caayina hadaad is leedihiin wax u tara markaad leedihin Cidla ayuu kaga tagay markaa raggii aan kaga tagnay ma cidlaa?! Madaxweynihii iyo dawladii ma cidlaa?! XAASHA! Waxaan markaan ka tagayey iyo imikaba aaminsanahay geesiyaal na badali karaa way badan yihiin, xukuumaduna waa xukuumad jirta oo gaamurtay oo shan sano iyo ka badan aan soo dhisaynay mushkiladna ma leh oo dhibaato ma haysato ee kuwa isle wax u taroow idinku ha caayina anagu caayi mayno oo afkayaga xumaan laga maqli maayee.
Waxaan rabaa inaan sidoo kale cadeeyo hadalka odhanaya Madaxweynaha waabad la shaqaynaysee maad HAYE uun tidhaahdid oo aad hawshaada hoos isaga wadatid! Waxaan leeyahay waar Munaafaq ma ihi, oo khaa’in ma ihi oo beenale ma ihi ee waxa aan aaminsanahay markii aan Madaxweynaha la joogayna waan u sheegi jiray imika oo aan ka tagayna wixii aan aaminsanahay uunbaan kaga tagayaa oo aan u sheegayaa.
Qariib iyo wax lala yaabo maaha in hadii aad adiga iyo Madaxweynahaagu aad isku siyaasad noqon waydaan oo aad aragtida ka midoobi waydaan inaad isaga tagto ama isagu kaa kaxeeyo waxba kama dhaxeeyaan.
Hadii Madaxweynaha markii aanu dawlada ku jirnay iyo dhismaheeda, qaranimada , xisbinimada iyo doorashooyinka intii aanu ku soo jirnay aragtida aanu ka sinayn balse maanta uu ka hadhay doorashadii oo aanan ka midaysnayn mustaqbalka yaa hogaaminaya oo aanan aragti midaysan ka lahayn oo aanan jiho midaysay ka lahayn mustaqbalka cida hogaaminaysa aanan sidoo kale ku qasbnayn inaan ka midaysnaano oo qof waliba aragtidiisa ayuu leeyahay iyo cidii uu u arko hogaan mustaqablka ayuu dooranayaa balse shaki kuma jiro in hadii Madaxweynahayagu hadii uu rabo inuu tartamo aanu 5 iyo 10-ba tuurta u qaadi lahayn oo u shaqayn lahayn oo u tabci lahayn inaynu gaadhsiino hadii aanu sidaas ku kala duwanaano qariib maaha oo waa wax dunidoo dhan ka dhaca oo Madaxweyne Siilanyo ayey soo martay in Madaxweynihiisii Marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal aragti ku kala tageen oo waxaa sidoo kale macruuf ah taariikhda quruxda badan ee aanu Madaxweyne Silanyo kaga dayanayno inuu Maxamed Siyaad Barre kaga tagay walaalkii “Cascasow” oo joogay Kismaayo uu u badelay Baydhabo kadibna lagu yidhi shaqo kale ayuu ka hayaaye ku celi Kismaayo oo Madaxweyne Silanyo diiday kadib sidii shaqadii lagaga qaaday! Waxay ahayd mawqifkiisa iyo aragtiisa inay sax tahay aniguna waxaan kaga tagay markaan isku aragti ka noqon waynay mustaqbalka.
Xisbigii Kulmiye ee aynu wada lahayn ee aynu wada jeclayn waxaan leeyahay guul darada halaga daayo oo inta afuubatayey guul darada ka daaya .

Waxaaba laga yaaba in rag guul daro u arag oo uu ku faano inuu iyaga xisbigii u afduuban yahay , sheeko hore ayaa ahayd in in nin maxbuus ah la waydiiyey rag ka waran oo ku jawaabay “Rag waxaaga sii wixiisana u daa , markaasaa lagu yidhi kamaad waramine ka waran , markaasuu yidhi waxaa iga yaqaana ninka sagaal nin oo walaalo ah sideena dilay kii sagaalaadna u xidhan yahay kaas ayaa iga yaqaane isaga waydiiya , Markaa Xisbigii Kulmiye Wasiiradiisii xukuumadu ka tageen, ee golihiii fulintu ka maqan yihiin , ee Musharaaxiintii la tartamaysay ka maqan yihiin ee shirgudoonkii Barlaamanka ugu jiray ka maqan yihiin ee hadana Durbaanka tumanaya ee leh inagama qasna ee inoo wada kaas ayaa iga yaqaanee Waydiiya!

Hada ninka aan sheegayo maaha Madaxweyne Silanyo ee waa ninka leh ii cumaamada oo I doorta iyadoo intaasiba ka maqan yihiin.

Waxaan leeyahay Somaliland gobonimo ha ku waarto qarankuna ha tisqaado.

Comments are closed